Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing oo laga beddelay shaqadii ay hore u haysay ee Qaramada midoobay.

Muuse Biixi ayaa uga mahadnaqay Catriona Laing muddadii ay soo wada shaqeeyeen iyo hawlihii muhiimka ahaa ee u dhexeeyey Qaramada midoobay iyo Somaliland ee qabsoomay muddadii ay shaqada gacanta ku haysay.

Dhinaceeda, Catriona Laing ayaa madaxweynaha uga mahadnaqday sidii wanaagsanayd ee ay xukuumaddiisu ula shaqaysay muddadii ay xilka haysay iyo sidii xilkasnimada lahayd ee ay usoo wada shaqeeyeen.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

Dhinaca weftigana waxa ku wehelinaayey Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid tahay Nikolai Rogosaroff, oo ah madaxa xafiiska Hargeysa, Katherine Brooks, Axmed Qalinle, Mustafe Khayre iyo Daahir Maxamed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM