Cirro oo aqbalay guusha Muuse Biixi

Image

HARGEYSA, Somaliland - Musharaxa Xisbiga Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay natiijada doorashadii dhacday 13-ka bishan, oo maanta lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay Muuse Biixi.

Kadib Shir Jaraa'id oo uu ku qabtay Hotel-ka Ambassador ee magaalada Hargeysa, Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay inuu u tanaasulay danta iyo midnimada Somaliland, sidaasina ku aqbalay natiijada.

"Anigoo u turaya danta guud ee shacabka, islamarkaana diidan la dhiig la daadiyo, ayaan aqbalay natiijada doorashada," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro oo ku hadlayay Shirka Jaraa'id ee maanta.

Cirro wuxuu kaloo sheegay in danta umadda ay uga muhiimsan tahay mida guusha doorashada, sidaasi darteedna uu ogolaaday in laga guuleystay, isagoo dhanka kale u aqoonsaday Muuse inuu yahay Madaxweynaha Somaliland.

Hadalka Cabdiraxmaan Cirro ayaa noqday mid lama filaan ah maadaama shalay qaadacay natiijada doorashada, isagoo ku eedeeyay gudiga doorashooyinka musuq-maasuq iyo ku shubasho baahsan.

Sidoo kale Cirro maanta ma uusan joogin goobta looga dhawaaqay natiijada doorashada, taasi oo dad badan walaac ma muujiyeen, iyadoo ay jirtay cabsi ah inay dhacaan rabashada kale dooraashada kadib.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM