Cirro: Waa 'xaaraan' muddo kordhinta loo sameeyay Biixi

Image
Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo laba sano ah ugu kordhiyay muddo xileedka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

HARGEYSA, Somaliland - Murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa "xaaraan" ku tilmaamay muddo kordhinta baarlamaanka Somaliland u sameeyay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi. Waddani waa xisbiga ugu weyn ee mucaaradka ismaamulkan gooni-u-goosadka ah.

"Marna ma aqbalayno ku darsigaas," ayuu wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Hargeysa. Cirro wuxuu tagey baarlamaanka shalay kahor inta aysan mudanayaasha meelmarin ku darsiga.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo laba sano ah ugu kordhiyay muddo xileedka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, halka muddo shan sano ah ku korosatay muddo xileedkooda.

Dhawaan guddi doorashada Somaliland ayaa sheegay inaysan doorashada Somaliland ku dhici karin xilligii loo tala galay inay ku qabsoonto oo ku aaddan bisha December 2022. Xisbiyada mucaaradka weli kama hadlin kororsiga muddo xileedka hay'adaha dowladda.

Dhowr jeer oo hore ayay mucaaradku diideen muddo korosi, iyaga oo ku baaqay in doorashada guurtida iyo madaxweynaha isku mar wakhtigooda lagu qabto, waxaana dibadbaxyo looga soo horjeedo dib u dhaca doorashada ay ku qabteen magaalooyinka kala duwan ee Somalilland.

Somaliland ayaa dib-u-dhigtey doorashada madaxtinimada ee loo qorsheeyay ilaa sanadka soo socda, halkii ay ka dhici lahayd bisha November oo uu ku eg yahay madaxweynaha xilka haya, sida ay sheegeen guddiga doorashada maamulkaas Sabtidii.

Bishii Ogosto, maamulka wuxuu wajahay mudaaharaadyo ay dad badani ku dhinteen. Banaanbaxayaashu waxay dalbanayeen in doorashada la qabto bisha November, iyadoo ay jiraan tuhunno ah in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi doonayo inuu dib u dhigo doorashada iyo muddo kordhin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM