Covid-19 oo kusii fidaya Somaliland xilli uu duulimaad kusii jeedo Hargeysa

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa ku dhawaaqdey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 25 kiisas cusub oo ah safmareenka dilaaga ah ee Coronavirus.

Bukaanada cusub oo lagu waramay in ay yihiin kuwa la qaad-siiyey ayaa wadarta guud ee xaaladaha ka dhigaya 504 ruux.

Sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ee wasaaradda oo uu arkay warsidaha GO, tiradda guud ee geerida ayaa waxay wali tahay 26, halka bogsashadduna ay sii cagcageyneyso 84 bukaan.

Shaqsiyaadka cusub ee uu soo ritay xanuunka oo badankooda jooga magaala madaxda Hargeysa waxay da'doodu u dhaxeysaa 20-60 jir.

Tan iyo markii uu dilaacay xanuunka, maamulka Somaliland ayaa cudurka Covid-19 ka baaray 2,017, sidda lagu sheegay warka qoraalka ah.

Dhanka kale, muwaadiniin bilooyinkii lasoo dhaafay uu cudurka ku xayiray Turkiga ayaa lagu waramay in ay maanta dib ugu laaban doonan caasimadda, kuwaas oo la sheegay in ay yihiin 94.

Xilli qaarkood ay Muqdisho ka degi doonan, lama ogga hadii gabi ahaantooda la karantiili doono. Hase ahaatee, maamulku wuxuu horey u go'aamiyey talaabadaas.

Guud ahaan Soomaaliya, kiisaska Covid-19 ayaa maraya 2,452, bogsashadda waxay ku taagan tahay 506, halka dhimashadda ay mareyso 85, sidda ku cad warbixintii shalay kasoo baxay dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM