Dagaal ka dhacay Laascanood oo galaaftay hooyo iyo caruurteeda

Image
Isku-dhacan ayaa yimid xilli kasoo gabagabeeyay shirkii aayo-ka-tashiga gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

HARGEYSA, Somaliland - Iska-hor-imaad la isku adeegsanayo hub culus ayaa laga soo wariyey magaalada Laascaanood. Ciidamadda Somaliland ayaa la sheegay in ay weerareen xarunta gobolka Sool.

Fariisin ay samaysteen ciidamada degaanka ee ayaa la sheegay in maamulka Hargeysa uu beegsaday. Illaa hadda lama ogga khasaaraha uu reebay dagaalkan.

Somaliland ayaa dhankeeda waxay sheegtay in ciidankeeda ay iska difaaceen "weerar lagu soo qaadey" xarunta golaha wasiirada maamulka ee Laascaanood.

Ugu yaraan 33 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen dagaalka kasoo cusboonaadey Laascaanood. Dadka dhintay waxaa kamid ah qoys ka kooban todoba ruux oo ah hooyo iyo caruurteeda.

Illo wareedyo caafimaad oo ku sugan dakhtarka weyn ee magaalada ayaa Garowe Online u sheegay in geerida iyo dhaawacyada ay intaas kasii badan karaan. Isku-dhacan ayaa yimid xilli kasoo gabagabeeyay shirkii aayo-ka-tashiga SSC.

Go'aanada kasoo baxay shirka Laascaanood ayaa lagu diidey "mashruuca gooni-isku-taaga Somaliland". Daahfurka wadahadal ayaa shuruud looga dhigay bixitaanka maamulka Hargeysa.

Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay "baaritaanka gabood-falada loo geystay shacabka" Dowladda federaalka ayaa loogu yeeray in ay "si gooni ah ula macaamisho" gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Dhanka kale, Dibad-bax lagu taageerayo dadka deegaanka Laascaanood ayaa haatan Garowe ka socda iyaga oo ugu baaqay xukuumada Deni in ciidanka ay ku jihayso difaaca gobolka Sool isla markaana dib loo dhigo "diiwaan-gelinta hubeysan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM