"Dhaliilaha kasoo ifbaxay" guddiga ka hortaga COVID-19 ee Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland —Hogaamiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe, ayaa shaaca ka qaadey in ay dhaliilo kasoo if-baxeen dedaalada guddiga maamulkaas ee ka hortagga faafitaanka Coronavirus.

Isagoo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Hargeysa, Mr Waraabe ayaa tilmaamay in aan wali la hirgelin goobo lagu karan-tiilo dadka looga shakiyo cudurka iyo shaqsiyaadka laga helo.

Intii lagu guda jira shirka jaraa'id, siyaasiga ayaa xusay in sidoo kale ay aad u hooseyso wacyi-gelinta guddiga si dadweynaha ugu baraarugaan in xanuunka uu yahay mid aad khatartiisa leh.

"Waxaa kaloo soo baxdey dadka la karan-tiilayo ee lasoo qaadayo basas bey raacayaan kurasaasta iyo albaabada ayay taabanayaan, marka jeermisku baska wuu la socdaa," ayuu yiri.

Guddiga ayuu tibaaxay in guddigu uu ku fashilmay in uu joojiyo duulimaadyadda diyaaradaha, oo la aaminsan yahay in ay kamid yihiin meelaha sida weyn leh uu ugu faafi karo caabuqa.

Dadka illaa iyo haatan ay Somaliland u karan-tiishay cudurka oo tobanaan gaaraya ayaa la dejiyey huteel ku yaala duleedka magaaladda caasimadda ah ee Hargeysa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in mulkiileyaal huteel ku yaala nawaaxiga garoonka diyaaradaha Cigaal la xiray kadib markii ay diideen in dadkaas la dejiyo, mudo 14-maalmood ah.

Dhanka kale, Faysal Waraabe ayaa ku dhaliilay guddiga in uu ka gaabiyey qaylo-dhaan uu u diro caalamka si gargaar loosoo gaarsiyo.

Joojinta duulimaadyadda oo uu arko "xalka ugu wanaagsan maadaama Somaliland aysan awoodin hirgelinta isbitaalo cusub" ayuu soo jeediyey in muddo laba todobaad ah la joojiyo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayuu ku booriyey in ay ka shaqeyso siddii ardayda kasoo laabaneysa Itoobiya loo fududeeyo siddii ay dalkaas uga soo bixi lahaayeen.

Somaliland oo tan iyo 1991-dii sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale ayaan wali laga helin kiis la xiriira fayruskaas. Balse, Muqdisho waxaa laga soo sheegay laba xaaladood oo xanuunkaas ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM