Diyaarad ka degtay garoonka diyaaradaha caasimadda Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Diyaarad sidda shixnad gargaar ah oo ka timid waddanka Imaaraadka Carabta ayaa Arbacada maanta ah ka degtay garoonka diyaaradaha caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiin, shixnada ayaa isugu jirta qalabka looga hortaggo isla markaana lagu xakameeyo fayruska Coronavirus ee dunida faraha kulul ku haya ee loo yaqaano Corona.

Wasiirada Caafimaadka iyo Maaliyada xukuumadda Muuse Biixi Cabdi oo saxaafada kula hadlay gudaha madaarka ayaa mahadcelin balaaran u jeediyey xukuumadda Abu Dubai.

Labada mas'uul ayaa carabka ku dhuftay in kaalmadan caafimaad uu Imaaraadku soo gaarsiiyey "xiligii loo baahnaa".

Somaliland ayaa xaqiijisay laba kiis oo cudurka Covid—19. Labadooda waxaa laga kala helay magaalooyinka Berbera iyo Burco. Midkood waa Shiinees, halka qofka uu yahay muwaadin ka yimid UK.

Guddiga ka hortagga xanuunka u qaabilsan maamulka ayaa soo wariyey in ay baaritaan ku bilaabeen dad ka badan 10, kuwaas oo lagu tuhmay caabuqa maadaama ay la kulmeen bukaanada.

Guud ahaan Soomaaliya, kiisaska ayaa gaarey sideed kadib markii Wasaarada Caafimaadka federaalka ay xalay soo warisay kiis cusub. Bukaankaas oo 58-jir ah waxaa la sheegay in uusan ka bixin Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM