Dowlad xulafo dhow la ah Farmaajo oo "dal" ku tilmaamtay Somaliland

Image

KAMPALA, Uganda – Dowladda Uganda ayaa waxay ku dhawaaqdey in ay taageereyso damaca maamulka Somaliland ee kamid noqoshada ururka baarlamaanada caalamka ee loosoo gaabiyo magaca IPU.

Hadalkaan ayaa waxaa ka dhawaajisey Rebecca Kadaga, oo ah afhayeenka golaha xeer-dejinta waddankaas.

Tani ayaa ka dambeysay kadib markii uu Kampala kula kulmay Yaasiin Xaaji Faratoon, wasiirka arrimaha dibadda maamulka gooni u goosadka ah ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.

Kadaga ayaa waxay sheegtay in ay dabagal ku sameyn doonan dalabka maamulka Muuse Biixi ee xubin ka noqoshada IPU.

Faratoon ayay warbaahinta maxaliga ah kasoo xigatay in ay aad u quudareynayaan arrintaas.

Iyaddoo u muuqata mid meel kaga dhacaya midnimada Soomaaliya, Rebecca Kadaga ayaa "dal" ku tilmaamtay Somaliland oo madax banaani sheegata tan iyo 1991-dii, balse aan wali la aqoonsan.

"Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland wuxuu iigu yimid booqasho. Wadahadalkeenu wuxuu ku saabsanaa arrimo badan oo ay kamid tahay codsiga 'dalka' ee ku biirida Ururka Baarlamaanada caalamka," ayuu kusoo qortay Twitter-ka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaanan wali ka hadlin "xadgudubka" afhayeenka baarlamaanka Uganda.

Uganda, oo ciidamo ku leh howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM, ayaa kamid ah xulafada saaxiibka dhow la ah dowladda Farmaajo, kaasoo dhowr jeer booqdey magaaladda Kampala.

Ururka baarlamaanada caalamka oo la aas-aasey sanadka markii uu ahaa 1889, waxaa waqti xaadirkaan xubin ka ah 179 dal oo kamid ah 193 waddan ee ka jira caalamka oo ay kamid tahay Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM