Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay oo ka degay Hargeysa

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Ergayga cusub ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa Sabtidii wuxuu gaarey magaaladda Hargeysa, caasimadda Somaliland.

James Swan oo la kulmay soo dhaweyn diiran ayaa waxa uu wada hadalo la yeelan doonaa saacadaha soo aadan mas'uuliyiinta ugu sareysa ee maamulkaasi.

Xubnaha uu la fariisanayo ayaa la sheegayaa in uu kala xaajoonayo arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka iyo wada hadalka dowlada federaalka iyo Somaliland.

Waa markii ugu horeysay oo uu cago dhigto Hargeysa tan iyo markii loosoo magacaabay wakiilka gaarka ah ee UN-ka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Swan oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa horey u tegay gebi ahaanba xarumaha maamul goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Somaliland ayaa sheegata madax banaani tan iyo sanadkii 1991-kii, balse wadamada caalamka intooda badan ayaa waxay u arkaa maamul hoostaga Muqdisho.

Socdaalka Swan ayaa kusoo beegmayaa iyadda oo xisbiga Somaliland ay Sabtidii soo afjareen khilaafkii doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM