Fariin culus oo loo diray Murashaxiinta Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa fariin culus uu diray musharaxiinta xisbiyada Siyaasadda ee u tartamaya xilka Madaxweyne.

Isagoo wareysi siinayay TV-ga ku hadla afka dowladda ayaa Axmed wuxuu sheegay in looga baahan yahay musharaxiinta inay ilaaliyaan Nabada iyo Xasiloonida Somaliland, islamarkaana ay soo bandhigaan tartan nadiif ah.

Wuxuu tilmaamay in xilligan ay Somaliland ku jirto marxalad kala guur ah, oo isbedel dhanka hogaanka uu dhacayo, sidaasi darteedna laga doonayo musharaxiinta inay ololahooda ka ilaaliyaan erayda xanafta leh, ee kala qeybin kara bulshada.

"Maanta waxaa tartamaya Musharaxiinta Feysal, Muuse iyo Cabdiraxmaan Cirro, waxaana laga doonayaa in soo bahdigaan tartan nadiif ah, oo Africa nooga dayato, marka waa in laga fogaadaa waxyaabaha wax u dhimi kara nabada iyo deganaanshaha," ayuu yiri Axmed Yuusuf.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in shantii doorasho ee hore ay u dhaceen si nabad iyo dimuqaariyad ku jirto, oo Madaxweyniyaashii kala dambeeyay in xukunka si nabad ah isagu wareejiyeen.

Doorashadan oo ah midii 6-aad ayaa waxay dhacaysaa 13-ka bishan Novermber, oo naga xiga 10 maalmood oo kaliya, waxaana isha lagu hayaa sidii ay noqon doonto doorashada oo haddaba ay soo baxayaan dhaliilo loo jeedinayo Musharaxiinta oo isku eedeeyay qabyaalad iyo musuq-maasuq. Halkan ka akhri.

Halkan hoose ka Daawo Wareysiga Axmed Yuusuf Yaasin:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM