Faysal Cali Waraabe: Cadawgeena ma ahan Itoobiya ee waa Soomaaliya

Image
Siyaasiga mucaaridka ah ayaa sidoo kale dhaliil u jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

HARGEYSA, Soomaaliya - Siyaasi Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay heshiiska is-afgaradka ah ee muranka dhaliyay ee ay wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

Siyaasiga mucaaridka ah ayaa dhaliil u jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku nuux-nuux saday in diidmada shacabka ee heshiiska ay sabab u tahay waxa uu ku tilmaamay sumcad xumada Muuse Biixi.

Faysal Waraabe ayaa yiri: “Itoobiya ayay ahayd tii na siisay gabaad markii ay diyaaradihii Soomaaliya xasuuq ka geysanayeen gobollada Waqooyi ee Somaliland.”

Waxa kale oo uu xusay in Itoobiya ay tahay dal ay jaar yihiin, isla markaana ay noqon doonto marin dhaqaale oo ay Somaliland ku gaarto Koonfurta Suudaan.

Faysal Cali Waraabe oo ku tilmaamay Soomaaliya Cadaw ayaa sidoo kale fariin dhaliil xambaarsan u jeediyay siyaasiyiin si adag uga hadlay heshiiskii Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM