Faysal Cali Waraabe oo ka digay "maamul goboleed ay DF dhiseyso"

Image

HARGEYSA, Somaliland – Faysal Cali Waraabe, gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa wuxuu ka digay "maamul goboleed ay dowladda Soomaaliya ka dhiseyso goboladda Sool, Ceyn iyo Sanaag".

Waraabe oo qaybo kamid ah warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Villa Soomaaliya u kaashaneyso qorshahaas Cabdixakiim Dhooba Daareed, afhayeenkii hore ee golaha wakiiladda dowladda Puntland.

Sidda laga soo xigtay Faysal, wada hadalo looga tashanayo hirgelinta qorshahaas ayaa ka socda Addis Ababa, caasimadda Itoobiya. Wada xaajoodyadda waxaa qayb ka ah Fahad Yaasiin, taliyaha NISA.

"Ma aqbali doono maamul goboleedkaas laga dhisayo bariga Somaliland," ayuu yiri Faysal oo la hadlayay warbaahinta maanta oo Sabti ah. "Talaabadan waa mid lagu jarjarayo Somaliland," ayuu ku daray.

Goboladda Sool, Ceyn iyo Sanaag ayaa waxaa muddo badan ku muransan Puntland iyo Somaliland oo maamulo kala duwan ay u joogaan.

Dhooba Daareed ayaa todobaadkii hore socdaal ugu ambabaxay magaaladda Addis Ababa, ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo aan la shaacin ujeedka safarkiisa.

Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar [Cameey], safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Itoobiya ayaa soo dhaweeyay Dhooba Daareed oo xilka gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ku waayey mooshin laga keenay.

Qodobadda ku xusnaa soo jeedinta oo ay saxiixeen mudaneyaal badan ayaa waxaa kamid ahaa; ku tamasho sharci, dastuur, xeer-hoosaadka golaha iyo in uu xarunta baarlamaanka u daabulay maleyshiyo beeleed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM