Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Image
Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

HARGEYSA, Somaliland - Ciidamada amaanka Somaliland ayaa xabsiga dhigay fanaanka Maxamed Xuseen Habane oo ka mid ah fanaaniinta magaalada Jigjiga, iyadoo aan la ogeyn sababta loo beegsadey.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in Habane oo sidoo kale loo yaqaano Maxamed Yare uu ku sugnaa goob ay la joogeen fanaaniin kale ayna wateen ciidamo hubeysan ay xoog ku kaxeysteen.

Qaar ka mid ah fanaaniinta oo u badan kuwa kasoo jeeda Somaliland ayaa la sheegay in jir dil loo geystay kadib markii ay isku-dayeen in ay is-hortaagaan xariga Maxamed Yare.

Najma Nashaad oo ah fanaanad reer Hargeysa ah ayaa ka warbixisay sida ay wax u dhaceen, waxayna sheegtay in ciidamada ay si lama filaan ah u weerareen Maxamed Yare.

Najma ayaa xustay in dhowr fannaaniin loo geystay gacan-ka-hadal iyo handadaad, iyadoo sheegtay hubanti la'aan ku aaddan sababta ka dambeysa xarigga oo ay ku tilmaantay mid sharci-darro ah.

Cabdi Ciise Ajuun oo goobjoog ka ahaa xariga ayaa tibaaxay in ay ciidamadda qoryo ugu fiiqeen fanaaniinta su’aalo ka keenay xariga Yare. "Inkasta oo aanu xushmad u hayno ciidamada iyo dawladda, haddana waxa aanu ka baqaynaa mustaqbalka Somaliland ammaankeeda haddii falalkan wax laga qaban waayo," ayuu yiri Ajuun.

Sidoo kale Maxamed Axmed Bakaal Cirro, ayaa isna waxa uu aad ugu nuux-nuux-saday qaabkii xushmad darada ahaa ee loo gaystay Maxamed Yare, waxaanu xusay inuu weli xiran yahay.

Xarigan ayaa keenay in su’aalo la iska weydiiyo falka ay ku kaceen ciidamada amaanka Somaliland, iyadoo ilaa hadda aan la shaacin faahfaahinta ku saabsan xariga lala wadaagin dadweynaha iyo warbaahinta xorta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM