Geerida iyo kiisaska Coronavirus ee Somaliland oo mar kale korortay

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Isniinta maanta ah waxay shaaca ka qaadey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 18 xaaladood cusub oo ah safmarka Coronavirus.

Bukaanada cusub oo 9 ay dumar yihiin, sagaal kelana ay rag yihiin ayaa sidoo kale 17 kamid ah waa muwaadiniin, halka ruuxa kale uu kasoo jeedo waddanka Bangladesh ee qaaradda fog ee Aasiya.

Sidda laga soo xigtay warbixinta Wasaaradda oo Garowe Online uu arkay, da’da bukaanadan cusub ayaa waxay u dhaxaysaa: 20-jir ilaa iyo 70-sano jir.

Shaqsiyaadka laga helay xanuunka, sidda ku xusan warbixinta, waxay 15 kamid ah ay degan yihiin Hargeysa, saddexda kelana waxay kala joogaan magaalooyinka kala ah; Burco, Oodweyne iyo Boorama.

Afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay waxaa geeriyooday hal bukaan, taas oo wadarta guud ee dhimashadda ka dhigeysa 9.

Marxuumada waa qof dumar ah oo da'deedu ahayd 60-jir waxayna la ildarneyd xanuuno kale, sidda a sheegeen mas'uuliyiinta caafimaadka.

Intaas waxaa wehlisa, tiradda guud ee dadka ka bogsaday ayaa wali ku taagan sideed mana jirto bukaan cusub oo caafimaadey. Tiradda guud ee kiisaska waxay sii mareysaa 121.

Tan iyo markii uu cudurku dilaacay, Somaliland ayaa baartay 666 ruux, iyaddoo maalintii laga baarayay xanuunka ugu yaraan 40 ruux. Tani waxay ka dhigan tahay in ay jirto baahi loo qabo agab baaritaan oo dheeri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM