Golaha Wakiilada Somaliland oo loo fasaxay cabsida caabuqa COVID-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Guddoonka Golaha Wakiilada maamulka Somaliland ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu shaaciyey in ay si ku meel gaar ah u joojiyeen fadhiyaddii joogtada ahaa.

Sidda ku xusan qoraal kasoo baxay xafiiska afhayeenka golahaas, Baashe Maxamed Faarax, go'aankaas wuxuu la xiriiraa cabsida laga qabo faafitaanka fayruska faafa ee Corona.

Mudada ay fasaxa yihiin mudaneyaasha waa afar todobaad, sidda ku cad warqadda oo uu arkay warsidaha Garowe Online.

"Hadaba mudaneyaasha waxaa lagu wargelinayaa in ay ka qeyb-qaataan wacyigelinta Ilaahey ha inaga badbaadiyeen cudurka Coronavirus," ayaa lagu soo xiray warka qoraalka ah.

Somaliland ayaa mar sii horeysay amartay in la xiro goobaha waxbarashadda, joojinta shirarka, shaqada iyo hakinta duulimaadyada. Xayiraadaas waxay socon doontaa muddo afar asbuuc ah.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa wuxuu saxaafada u sheegay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid walba oo aan u hogaan-sami amarada ay soo saarto wasaarada caafimaadka.

WARQADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM