Golaha Wakiilada Somaliland oo loo fasaxay cabsida caabuqa COVID-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Guddoonka Golaha Wakiilada maamulka Somaliland ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu shaaciyey in ay si ku meel gaar ah u joojiyeen fadhiyaddii joogtada ahaa.

Sidda ku xusan qoraal kasoo baxay xafiiska afhayeenka golahaas, Baashe Maxamed Faarax, go'aankaas wuxuu la xiriiraa cabsida laga qabo faafitaanka fayruska faafa ee Corona.

Mudada ay fasaxa yihiin mudaneyaasha waa afar todobaad, sidda ku cad warqadda oo uu arkay warsidaha Garowe Online.

"Hadaba mudaneyaasha waxaa lagu wargelinayaa in ay ka qeyb-qaataan wacyigelinta Ilaahey ha inaga badbaadiyeen cudurka Coronavirus," ayaa lagu soo xiray warka qoraalka ah.

Somaliland ayaa mar sii horeysay amartay in la xiro goobaha waxbarashadda, joojinta shirarka, shaqada iyo hakinta duulimaadyada. Xayiraadaas waxay socon doontaa muddo afar asbuuc ah.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa wuxuu saxaafada u sheegay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid walba oo aan u hogaan-sami amarada ay soo saarto wasaarada caafimaadka.

WARQADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM