HARGAYSA: Dood dhex-martay Murashaxiinta Somaliland [Daawo]

Image

HARGAYSA, Somaliland- Waxaa mar kale fagaare isku arkay murashaxiinta saddexda Xisbi Siyaasadeed ee ka jira maamulka Somaliland, kuwaasoo iminka u tartamaya hogaanka sare ee dowladda.

Warbaahinta BBC-da ayaa doodsiisay murashaxiinta kala ah; Faysal Cali Waraabe [UCID], Muuse Biixi [KULMIYE] iyo Cabdiraxmaan Cirro [WADDANI].

Doodan oo la waafajiyay qaabkii ay horay u dajiyeen guddiga doorashooyinka, ayaa diirada lagu saaray arrimo ay kow ka ahayd ictiraaf raadinta dabo-dheeraatay ee maamulkaas doonayay tan iyo markii uu Rubac Qarni ka hor sheegay inay ka go'een Soomaaliya inteeda kale.

ICTIRAAFKA SOMALILAND IYO SIDA MURASHAX KASTA U WAJAHAYO;

Faysal Cali Waraabe oo lagu horaysiiyay su'aalaha kana hadlayay qodob ku saabsan Aqoonsiga Somaliland ayaa yiri, "Aqoonsiga Somaliland waa sharci, adduunkoo dhan shuruucda u taal waa ogoshahay, Jarter EU waa ogoshahay, United Nation-ku waa ogolyahay, Soomaaliya wax naga dhaxeeya ma jirto".

Waraabe ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay inaysan jirin wax la yiraahdo Soomaaliya ee ay tahay been la dhoob dhoobayo, isagoo intaas raaciyay in siyaasadiisu ka shaqayn doono sidii Somaliland looga iibin lahaa Caalamka iyo Soomaaliya islamarkaana uu soo afjari doono khilaafka beenta ah ee la sheegayo sida uu hadalka u yiri murashaxaas.

Muuse Biixi Cabdi oo isna ka hadlayay qaabka uu ku keeni karo Aqoonsiga Somaliland ayaa yiri, "Marka hore kuguma raacsani aqoonsiga Somaliland waxba kama soo naasa-cada, waa kasoo naaso-cadyihiin, waa howl socota waxbadana laga qabtay, sida loo raadinayo ee anaga qorshahayagu yahay labo wado ayaan raacaynaa; waa tan koowaad, waxaan arrintayada u gudbinaynaa Africa, waxaan ka bilaabaynaa IGAD, Midowga Africa, deetana waxaan u gudbinaynaa Caalamka kale, waayo waa arrin Africa taasaan xoojinaynaa horayna waa u jirtay, laakiin halkaas xoog baan saaraynaa. Qodobka labaad waxa weeye; waxaa bilowday inkastoo uusan miro dhalin wada-hadalo u socda Soomaaliya iyo Somaliland, wada-hadaladaas waxaa aaminsannahay inay fadhiid ka noqdeen dhinaca Soomaaliya oo aan si hagar la'aan ah looga howlgalin, waxaan kaloo u aragnaa halkii lagu qabanaayay aysan fududeyn iyo dhex-dhexaadin ah ka gaysan inay horumaraan wada-hadahadaladaas".

Biixi ayaa intaas raacshay baaq uu u diray beesha caalamka inay arrimahaas oo xalkeedu yahay wada-hadal la taageero.

Murashaxa Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro ayaa isla su'aashaas ku saabsan qaabka uu u marayo raadinta Aqoonsiga Somaliland uga jawaabay, "Qaabka aan u howlgalaynaa, mid waa gudaha midna waa dibada; Gudaha Somaliland waxaan doonaynaa dowlad ku dhaqanta sharciga, oo muwaadiniinteedu u simanyihiin, xuquuqul insaanka ilaalisa, saxaafadda xorta ah ilaalisa, intaas ka bacdi waxaan doonaynaa inaanu dowladaha aan jaarka nahay iyo dalalka EU-da iyo IGAD xiriirkii aan la lahayn la kordhiyo, wixii tallaabooyin ah oo horay loo qaaday ee EU-du qaaday ee ahaa; xaqiiqo raadintii arrinta Somaliland dib loo soo cusboonaysiiyo, waxaan doonaynaaa xiriirkii aan la lahayn waddamada aan saaxiibka nahay in lasoo nooleeyo oo hoos u dhac badani ku yimid, waxaan doonaynaa wixii naga xumaaday iyo sababta ay u socon wayday ictiraafka Somaliland, waxaan qabnaa in dib loo eego, waxaan qabnaa in Somaliland wax badan qabsatay oo lagu aqoosan karo, hase yeeshee beesha Caalamka aanay u dhago nuglaanin Somaliland".

Wariyaha xiriirinayay doooda ayaa mar kale murashaxiinta saddexda ah dhex dhigay su'aal u dhignay in maadama cidda kala go'aysa ay tahay Soomaaliya iyo Somaliland ay isugu yimaadaan wada-hadal oo iyagoo isku qanacsana go'aamada kasoo baxay arrintaasi kala tagaan sida Suudaanta Koonfureed uga go'day Suudaan iyo dalal kale oo dunida ku kala tagay.

Faysal Cali Waraabe oo mar kale jawaabta ku hormaray ayaa yiri, "Anaga iyo dalalkaas isku mid ma nihin wadamadaas waa kuwo kala adkaan waayay, ha la joojiyo dhiiga, waa la dhex-galay, waa la isu yimid waqti baa la siiyay South Sudan iyo Timooro, anaga dowladii waan ka adkaanay Alxamdulillaahi ILLAAH baa nasiiyay guusha, wax allaale wax ay Soomaaliya nagu leedahay ma jirto, awood naguma qaadi karto, dhaqaale naguma samayn karto, dowladahaas wata ee danta gaarka ah leh ayaa noo dabraye oo na daba sida dowlad aan jirine, waxa weeye arrintaan arrin xaq ah, waan loo howlgalina anagaa isku habsaanay, gudahayaga ayaan hagaajinaynaa Inshaa ALLAAHU, waa inaga hada Khaatumo heshiinay, Somaliland oo midaysan oo kaligeed ah ayaan dowlad u samayn doonaa, aduunkana waa soo jiidan doonaa, Soomaaliya wada-hadaladeeda, iyadaan horta hagaajinaynaa oo shirar u qabanaynaa oo halkan shir ugu qabano oo aan u samayno dowlad Soomaaliya ah oo aysan ku jirin kuwa Somaliland meesha u hunguri doonta aysan ku jirin, oo kaligood ah markaas ayaan danta Soomaaliya ka hadli doonaa."

Faysal wuxuu intaas ku daray inay is-qancin doonaan maadaama uu yahay oday Soomaaliyeed oo Soomaali oo dhan u sharaxan oo tagi doona meel kasta oo baahi ka jirto.

Muusa Biixi Cabdi ayaa muujiyay in arrintu ka jiifto dhinaca Soomaaliya maadama 20-kii sano ee u dambeeyay ay ku jirtay bur-bur sidaas darteed ay adkaatay in la helo cidii go'itaankooda ay ugala xaajoon lahaayeen.

"Tani way ka duwantahay Labo arrimood-ba; waa marka horee dhinaca dantu nooga xirantahay ee Soomaaliya ah iyagaa 20-sano bur-bur ku jira, marka caalamkii iyagii lama tashan karo oo iyagoo ayaa hawada ka maqan, iyagiina waa bur-bursanyihiin, marka xagooda ayaa taladii ka adkaatay, caalamkana iyagii buu dhisayaa oo is leeyahay had-ba cid ha kasoo baxdo," sidaas waxaa yiri Muuse Biixi oo hadalkiisa sii raaciyay ,"Wada-hadal haa waan la hadlayaa dan ayaa isaga kaaya xiran, isma nebcin waa isla dadkeenii, taladeenii baa is-qaban wayday, dowladii aan wada-dhisanay ayaa duntay, marka waa in mid waliba sideedii u noqotaa.. marka waa in wax walba wada-hadal lagu dhammeeyaa."

Balse Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa qaba sidaan, "Wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland xukuumadda hada jirta ayaa bilowday laakiin shacabku waa ku raacsanaa in wada-hadalka la billaabo, waxay ila tahay in gogol xaar wanaagsan loo sameeyo wixii wada-hadal ah ee dambe, waanu qiimayn doonaa wada-hadalladii hore iyo sababta ay miro u dhali waayeen, arrimaha Somaliland waxaan u qaban doonaa shir looga hadlayo ictiraafka, marxaladihii uu soo maray wada-hadalku, ma loo baahanyahay inuu sii socdo".

Cirro oo sii hadlaya wuxuu sheegay inuu qabo in wada-hadalku sii socdo, balse Ajandaha Somaliland ay tahay in la helo waddan madax bannaan iyo labo dal oo leh aqoonsi caalami ah.

"Anagu wada-hadalka waxba kama qabno laakiin waxaan doonaynaa inuu kasoo baxo Qaran la yiraahdo Somaliland oo ictiraafkiisa leh oo siyaaradiisa leh," sidaas waxaa yiri Cabdiraxmaan Cirro.

KHILAAFKA KHALIIJKA;

Murashaxiinta ayaa mar kale la dhex-dhigay su'aal ku saabsan muranka Khaliijka iyo sida ay saamaynta ugu yeelatay gobolka, xilli maamulka Somaliland uu la saftay xulafada uu hogaaminayo Sucuudiga.

Murashaxa Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay inay raaceen halkii ay ku jirtay danta Somaliland iyo shacabkeedo, isagoo meesha ka saaray inaysan inaba ha yaraatee aysan faraha la galin doonin wixii colaad ah ee ka dhaxeeya waddamadaas.

"Walaal anagu lama aanan galin lana gali mayno dagaal jiitama, laakiin markii ay is-qabsadeen walaalaheen Carabtu, waxaan eegnay waddanka ay danteenu ku jirto, Soomaali oo dhan waxay danteedu ku jirtaa Imaaraadka, adduunkoo dhan markii la inaga xiray Imaaraadka inta beec-mushari ah oo inoo joogta waad ogtahay, xoolaheena oo dhan waxaan u dirnaa Sucuudiga, waa waddanka aan isku xiranahay, dhaqaalaheenu isku xiranyahay, marka waxaanu raacnay xulafadaas xooga weyn, Qadarna kama xumin laakiin," sidaas waxaa yiri Faysal Cali Waraabe.

Faysal wuxuu kaloo meesha ka saaray in go'aankoodan uu yimid kadib markii ay Imaaraadka ka heleen taageero wuxuuna yiri, "Hadana Gacan naguma leh siyaasadeeda taagan saddexdeena Murashax, anigu maqaan dowladdaas Soomaaliya ayaa lagu xantaa inay meel ku jirto, Laakiin anagu Imaaraadka iyo Sucuudigu midkoodna saamayn naguma laha, laakiin mowqifka aan qaadanay waa mowqifkaas,

Sidoo kale murashaxa Muuse Biixi ayaa xusay inuu la mowqfi yahay Faysal Cali Waraabe oo go'aankaas uu ahaa mid ka turjumaya rabitanka shacabka iyo dowladda halkii dantoodu ku jirtay.

Balse Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in gobolkan aysan dani ugu jirin colaad, sidoo kale xisbigiisu uu diyaar u yahay inuu xiriir wanaagsan la sameeyo dhammaan waddamada Khaliijka, isagoo xusay inay soo dhaweynayaan cid kasta oo maalgalin, hormar iyo dhaqaale u wada maamulka Somaliland.

Mar Cirro wax laga weydiiyo sida uu ka yeeli doono hadii uu xisbigiisu guulaysto heshiisyada Xukuumadda Siilaanyo la gashay Imaaraadka ee la xariira dekedda Ber-bera iyo saldhigga Milatari wuxuu sheegay inuu qiimayn doono oo hadii ay ku jirto Maslaxadda Somaliland sideeda loo dayn doono, hadii kalena wax ka badan lagu samayn doono.

MUSUQ-MAASUQA;

Muusa Biixi Cabdi ayaa sheegay in inta badan dowladda la tuhmo eedaymana loo soo jeediyo, balse hadii uu guulaysto uu si cad ula xisaabtami doono cid kasta oo uu lagu helo wax is-daba marin iyo musuq-maasuq, wuxuuna sheegay inay il gooni ah ku eegi doonaan arrintaas.

Balse Faysal Cali Waraabe ayaa eedeeyay Cirro iyo Biixi oo uu sheegay inay katirsanyihiin dowladda iminka jirta, laakiin isagu uu yahay shakhsi dalka dhisaya oo wax u qabanaya.

Waraabe ayaa sidoo kale ku eedeeyay Xisbiga WADDANI inay faafiyeen dacaayado ka dhan ah maalgalinta waddanka gaar ahaan heshiiska DP World, wuxuuna sheegay in tallaabadaas wax u dhimayso sharafta dalka.

Cirro oo ka jawaabaya taas ayaa meesha ka saaray inay faafiyeen Dacaayado ee arrintu tahay inaan heshiis rasmi ah loo soo gudbin golaha Wakiillada waqtigii uu Guddoomiyuhu ahaa, isagoo xusay in xukuumadda ballan qaaday inay keeni doonto ilaa hadda keenin.

Muusa Biixi oo hadalkaas ka shidaal qaadanayay ayaa weydiiyay Cirro, waxa ay ansixiyeen inuu shacabka u sheego, balse wuxuu jawaabtii kusoo koobay inuusan fadhin oo uusan daadihin fadhigi lagu ansixinayay.

Murashaxiintan waxay sidoo kale si midaysan u shaaciyeen inay samayn doonaan tallaabo kasta oo musuq-maasuqa lagu yaraynayo inkastoo midba kan kale ku eedeeyay inuu ku dhaqaaqay xatooyo iyo boob hanti dadweyne, waxaana eeda ugu badan Faysal Cali Waraabe dusha uga tuurayay Cirro iyo Biixi, walow Carrana kusii riixyay xisbiga KULMIYE iyo murashaxiisa.

XIRIIRKA SOOMAALIYA IYO SOMALILAND;

Murashaxiintan ayaa la weydiiyay Xiriirka ay la yeelanayaa Soomaaliya, hadii ay kusoo baxaan doorashada iyo mas'uulkii guulaysta qaabka uu u marayo, waxaana Faysal Cali Waraabe oo hadalka ku hormaray uu dhaleecayn dusha uga tuuray BBC-da oo ku tilmaamay kuwo dhibaato ka abuuraya Somaliland isagoo sidoo kale carrabka ku dhuftay inuu aqoonsanyahay hal maamul oo kataliya Soomaaliya oo ah DFS.

Muusa Biixi Cabdi, ayaa isaguna xusay inuu samayn doono calaaqaad wanaagsan, is-dhaafsi Ganacsi, aqoon iyo mid walaalnimo, wuxuuna mar kale ku celiyay in dadkan yihiin kuwo walaalo ah oo ay is qaban wayday dantoodii.

Murashax Cabdiraxmaan Cirro, ayaa isagu su'aasha laga weydiiyay xiriirkiisa Soomaaliya ka hormariyay inuu muhiimadiisu tahay in la helo Qaran la yiraahdo Somaliland, wuxuuna tilmaamay in cid kasta oo daris la ah maamulkan oo la samaysan doono xiriir wanaagsan.

DOWLAD NOOCEE AH AYAY XISBIYADAN DHISI DOONAAN;

Saddex murashax ayaa ku kala duwanaa aragtida la xariirta dowladda lasoo dhisi doono doorashada 13 November kadib, waxaana Faysal Cali Waraabi uu sheegay inuu xukuumaddiisa kusoo dari doono dhammaan axsaabta oo ay noqon doonto mid hormarka ka shaqaysa.

Balse, Muusa Biixi, wuxuu tilmaamay in dowladda uu dhisi doono noqon doonto ku howlgasha hadafka siyaasadeed ee KULMIYE islamarkaana ay dooran doonaan dad kamid ah Xisbigan, qofkiise doonaya inuu kamid noqdo dowladda shuruud looga dhigi doono inuu kasoo baxo xisbiga kale.

Laakiin Cabdiraxmaan Cirro wuxuu tilmaamay in xukuumaddiisu noqon doonto WADDANI oo kaliya.

Aragtidaas kadib Faysal ayaa eedeeyay labada murashax ee kale oo ku sifeeyay kuwo kala qaybiniya ummadda Somaliland oo dib u celinayay maamulkan, halka Muuse Biixi uu su'aal galiyay rabitaanka Faysal isagoo qorshe aan la fahmi karin ku tilmaamay sida la isugu darayo axsaab kala fikir iyo siyaasad ah.

NATIIJADA DOORASHADA SIDEE UGU QANCAYAAN SADDEXDAN MURASHAX;

Murashaxa UCID, Faysal Cali wuxuu tilmaamay inuu ku qancayo doorashada wixii kasoo baxo horay uu ahaa shakhsi marar badan ku qancay, laakiin wuxuu saaxiibadiisa asxaabta kale ugu goodiyay inuu ka guulaysan doono iyagana looga fadhiyo sidii ay u qanci lahaayeen maadama ay yihiin sida uu hadalka u yiri kuwo aan guul darro arag.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inuu ku qanacyo natiijada doorasho sifo sharci ah ku qabsoonta.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa isagu u muuqday mid jawaabta uu bixiyay su'aal galin karta inuu ku qanci doono natiijada hadii laga guulaysto, wuxuuna sheegay inuu aqbali doono doorashada 13 bishan, hadii ay ku salaysnaato, caddaalad iyo xalaal.

Ugu dambayntii doodan oo ahayd tii labaad ee murashaxiinta isugu yimaadaan in kastoo ay ka duwanaydii midii ay qabteen guddiga doorashooyinka Somaliland.

Saddex bari oo kaliya ayaa ka hartay doorashada Somaliland lamana qiyaasi karo xisbiga guulaysan kara, waxaana doorashadan ka duwan kuwii horay uga dhacay maamulkaas, waxaana qorshuhu yahay in la jaro internet-ka muddo 4 cisho ah oo ka bilaabanaysa Isniinta soo socota.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA DOODA MURASHAXIINTA OO KA DHACDAY HARGAYSA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dib u eegaya heshiiskii Badda Muuse Biixi la galay Abiy Axmed

Dowladda Itoobiya ayaa hadda wadahadallo kula jirta dowladda Soomaaliya kadib heshiiskii Ankara, waxaana ay raadinaysaa marin badeed nabad ah.

  • Somaliland

    07-01-2025

  • 07:27AM

Fanaanka Qamar Suugaani oo jirdil loogu geystay magaalada Hargeysa

Muuqaalo laga duubay weerarkii Jimcihii ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, taasoo dhalisay caro.

  • Somaliland

    04-01-2025

  • 10:46AM