Hubanti la'aan soo wajahdey doorashada madaxtinimada Somaliland

Image
Guddiga doorashadda ayaa shaaciyey hadal ay cawaaqibkiisa horey uga digeen xisbiyadda mucaaradka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa Sabtida maanta ah wuxuu ku dhawaaqay in anay qabsoomi karin doorashada madaxtinimada wakhtigii loo balansanaa oo ah 13, Nov 2022.

Tani waxay ku soo beegmaysaa iyaddoo mucaaradka ku eedeeyeen madaxwayne Muuse Biixi Cabdi qorshaynta muddo kordhinta waxaana ay horey u sheegeen in aysan marnaba ogolaan doonin.

Sidda laga soo xigtey bayaan kasoo baxay guddiga, sababta keenaysa dib-u-dhacaan ayaa salka ku haysa arrimo farsamo iyo caqabado dhanka dhaqaalaha ah wallow aysan fasiraad badan ka bixin.

HOOS KA DAALACO NUXURKA BAYAANKA GUDDIGA

1. In Doorashada Madaxatooyada JSL ee u qorshaysnayd in la qabto 13-ka Nov 2022 oo ah bil ka hor dhammadka muddo xilleedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, aannay farsamo ahaan, iyo dhaqaale ahaan ba qabsoomi karayn.

2. In Komiishanka Doorashooyinka JSL, farsamo ahaan ku qaban karaa doorashada Madaxtooyada JSL muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st October 2022.

3. Gebogebadii Komiishanka Doorashooyinka JSL wuxuu muddadaa Sagaalka (9) billood ah ku diyaarinayaa dhammaan arimaha farsamo, dhaqaale ee ay u baahan tahay Diiwaangalinta Codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada JSL.

Somaliland ayaa kamid ah degaanadda Soomaaliya ee shacabka ay soo doortaan hogaamiyeyaashooda hase ahaatee sanadihii lasoo dhaafay waxaa geedi-socodkaas soo wajahay dharbaaxo markii ay hareeyeen is-qabqabsi badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM

Cirro oo dib u eegaya heshiiskii Badda Muuse Biixi la galay Abiy Axmed

Dowladda Itoobiya ayaa hadda wadahadallo kula jirta dowladda Soomaaliya kadib heshiiskii Ankara, waxaana ay raadinaysaa marin badeed nabad ah.

  • Somaliland

    07-01-2025

  • 07:27AM