Imaaraadka oo diyaarado Gurmad ah gaarsiiyay Somaliland

Image

HARGAYSA, Somaliland- Waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horeeyay oo gurmad soo gaarsiiya maamulka Somaliland oo la tacaalaya dhibaatadii ay sababtay duufaantii Sagar oo saamayn xoog leh ku yeelatay gobolka Awdal.

Labo diyaaradood oo helicopter ah oo siday gargaar ayaa soo caga-dhigtay magaalada Hargaysa, kuwaasoo la sheegay inay qayb ka tahay gurmadka uu UAE u fidinayso shacabkii waxyeelladu soo gaartay.

Wararku waxay intaas ku darayaan inay jiraan gurmadyo kala duwan oo ku soo wajahay Somaliland.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxamaan Saylaci oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegaya in dufaantu sababtay dhibaato xoog leh islamarkaana dedaal ugu jiraan sidii meelaha ugu daran loo gaarsiin lahaa gurmad.

Saylici wuxuu sheegay in diyaarado lagu gaarsiin doono Kaalmadan dadka tabaalaysan maadama waddooyinka badankooda ay jareen Daadakii ka dhashay Duufaantii Sagar.

Degmada Lughaye ayaa hada ugu daran meelaha ay saameeyeen Fatahaada roobabkii ka da’ay Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijisay in gobolka Awdal ay ku dhinteen 25 qof sidoo kalena la waayay 27 ruux oo kale, halka dhaawacu gaarayo 12 qof.

Qoysas tirada badan ayaa dowladdu xaqiijisay in duufaantaas ay ku hanti beeleen islamarkaana ku barakaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM