Imaaraadka oo u yeeray Madaxweynaha Somaliland [Daawo]

Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo sabti ah u ambabaxay dalka Imaaraadka.

Afhayeenka Madaxtooyadda, Maxamuud Warsame Jaamac ayaa sheegay in safarka Muuse Biixi uu yimid kadib markii dowladda Imaaraadka casuumaad usoo dirtay.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa booqashadiisa ku wehelinayaan wasiirrada Macdanta iyo Tamarta, Diinta iyo Awqaafta, Ganacsiga Wershedaha iyo Dalxiiska.

Safarka Muuse Biixi oo ah mid shaqo ayaa qaadan doonaa muddo maalmo ah, waxaana inta uu ku sugan yahay magaaladda Abu Dhabi kulamo la qaadan doonaa Madaxda Imaaraadka iyo saraakiisha DP World.

Safarka Muuse Biixi ayaa ah midkii labaad ee uu dalkaas Imaaraadka ku tago tan iyo intii uu hoggaanka Somaliland qabtay, November 2017.

DP World ee laga leeyahay Imaaraadka ayaa maalgashi ku sameynaysa Dekadda Berbera, kadib markii heshiis ay la gashay maamulka Somaliland.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM