Itoobiya oo ciidamo boolis ah u tababaraysa maamulka Somaliland

Image
Si kastaba ha ahaatee, lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya ayaa heshiis ku kala saxeexday magaalada Addis Ababa, kaas oo dhigaya in Itoobiya ay Somaliland u tababarto ciidamo cusub oo Boolis ah.

Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa Khamiistii Boggooda Facebook-ga ku baahiyey warka saxiixa heshiiska iyo sawirada Guddoomiyaha Jaamacadda Itoobiya, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska, Sarreeye Guuto, Mesfin Abebe iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Jen. ciidamada booliska.

Si kastaba ha ahaatee, ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.

Heshiiskan ayaa daba socday socdaal uu dhawaan Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi ku tagay dalka Itoobiya oo uu kulan kula yeeshay Taliyaha Booliska Federaalka Itoobiya.

Bishii January, Itoobiya waxay heshiis dhinaca badda ah la gashay Somaliland, tallaabadaas oo ay Muqdisho ku gacan sayrtay ay, kuna tilmaantay "mid aan sharci ahayn" oo khatar ku ah deris-wanaagga iyo xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda.

Heshiisku waxa uu u ogolaanayaa Itoobiya in ay ka kirayso dhul xeebeedka Somaliland oo dhan 20 KM, taas oo dalka aan badda lahayni siinaysa marin muhiim ah oo ay ka heli karto badda cas oo ay ka soo mari karto dekedda Berbera.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM