Itoobiya oo ciidamo boolis ah u tababaraysa maamulka Somaliland

Image
Si kastaba ha ahaatee, lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya ayaa heshiis ku kala saxeexday magaalada Addis Ababa, kaas oo dhigaya in Itoobiya ay Somaliland u tababarto ciidamo cusub oo Boolis ah.

Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa Khamiistii Boggooda Facebook-ga ku baahiyey warka saxiixa heshiiska iyo sawirada Guddoomiyaha Jaamacadda Itoobiya, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska, Sarreeye Guuto, Mesfin Abebe iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Jen. ciidamada booliska.

Si kastaba ha ahaatee, ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.

Heshiiskan ayaa daba socday socdaal uu dhawaan Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi ku tagay dalka Itoobiya oo uu kulan kula yeeshay Taliyaha Booliska Federaalka Itoobiya.

Bishii January, Itoobiya waxay heshiis dhinaca badda ah la gashay Somaliland, tallaabadaas oo ay Muqdisho ku gacan sayrtay ay, kuna tilmaantay "mid aan sharci ahayn" oo khatar ku ah deris-wanaagga iyo xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda.

Heshiisku waxa uu u ogolaanayaa Itoobiya in ay ka kirayso dhul xeebeedka Somaliland oo dhan 20 KM, taas oo dalka aan badda lahayni siinaysa marin muhiim ah oo ay ka heli karto badda cas oo ay ka soo mari karto dekedda Berbera.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM