Itoobiya oo "dal" ku tilmaamtay maamulka Somaliland

Image
Talaabadan ayaa waxa ay sii hurineysa xurgufka Muqdisho iyo Addis Ababa ee taagneyd maalmihii dambe.

HARGEYSA, Somaliland - Dowladda Itoobiya ayaa baaziil kusii shubtay xiisada diblumaasiyadeed ee kala dhaxeysa Soomaaliya kadib markii ay "dal" ku tilmaamtay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Bogga Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarka Itoobiya ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu daabacay arrinkan iyadda oo xurgufta u dhaxeysa Muqdisho iyo Addis Ababa ay gaartey fagaareyaasha dunida.

Qoraalkan aadka u faafay ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii kulan ay yeesheen Wasiiradda Qorsheynta iyo Horumarka dowladda federaalka ah ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

"Wasiirada Qorsheynta iyo Horumarka Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa ay isku-raaceen in ay si wadajir ah uga wada-shaqeeyaan qorsheyaasha horumarka iyo baahiyaha labada dal," ayuu u qornaa qoraalka.

Talaabadan ayaa waxa ay imaanaysaa xilli 1-dii Janaayo, 2024 ay magaalada Addis Ababa is-faham kuwada saxiixdeen Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed Cali iyo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

Is-afgaradkaas ayaa waxa uu hoosta ka xariiqayaa in Itoobiya ay muddo 50-sano ah ka kirinayso Somaliland dhul ay ka hirgelineyso saldhig ciidan iyo 20 KM dhul badeed ay Itoobiya adeegsaneyso.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn waxa ay u cambaareysay heshiiskaas waxayna ku tilmaamtay "faragelin qaawan iyo xadgudub ka dhan ah madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM