Jabhadda Gacan Libaax oo diiday go'aamadi guddiga Habar-jeclo

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Sarkaalka lagu magacaabo, Oofwareen ee hogaamiyaha jabhadda saldhigga ka dhigatay buurta Gacan-Libaax ayaa ku dhawaaqay go'aankaan oo u muuqda mid aan Hargeysa laga jeclaysan.

Oofwareen oo muuqaal soo duubay ayaa yiri" ciidamadii dulmiga iyo jeegaanta ahaa ee 30 sano la inagu dulminayay waa kuwaas maanta Jamaahiirtu ku cibaadaysteen. Waan ugu hambalyaynayaa waxaana leeyahay ilaa Caynaba imaada".

Isaga oo sii hadlaya ayuu sheegay in aanu marnaba aqbalayn wadahadal inta Muuse Biixi madaxweyne yahay.

"Muuse Biixi waa in uu isa soo dhiibaa hadii kale gurgii Morgan ee Madaxtooyada u ah ayay ciidamadu ugu tagayaan".

Arintaan ayaa sii murjinaysa xaaladda Somaliland iyada oo dagaalo horey jabhadu ay ula gashay ciidamada Somaliland ay ku dishay ku dhawaad 20 askari oo uu ku jiro taliyihii ciidanka RRU-da Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM