Jabuuti oo "dad ka yimid" Somaliland ka heshay cudurka Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Jabuuti ayaa Axada maanta ah heshay kiisas cusub oo Coronavirus ah, sidda uu baahiyey Telefishinka ku hadla afka dowlada.

Sidda ku xusan warbixinada, kiisaska cusub ee la xaqiijiyey ayaa gaaraya afar. Bukaanada dhamaantooda waa muwaadiniin Jabuutiyaan ah.

Tv-ga ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in shaqsiyaadkaas ay dhowaan kasoo laabteen gudaha maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

"Waxay Jabuuti kasoo galeen dhanka xuduudka dhulka ah," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warka laga sii daayey Telefishinka Dowladda Jabuuti.

Lama shaacin magacyadda iyo sawiradda shaqsiyaadka, sababo ku aadan in aan laga haysan dhankooda ogolaanshiyo ah in la baahiyo.

Somaliland ayaa mar sii horeysay u sheegtay in degaanadeeda uusan ka jirin kiis fayruskaas ah, balse ay jireen warar xoojinaya sheegashooyinkaas.

Kiisaska Covid-19 ee gudaha Jabuuti ayaa haatan kor-u-dhaafaya tobban, kuwaasoo ay kamid yihiin ajaaniib, nasiib wanaag lama soo warin wax geeri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM