Keating oo ka warbixiyay Booqashadiisa Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Michael Keating ayaa ka warbxiiyay Kulamo uu tan iyo shalay magaalada Hargeysa kula qaatey Madaxda Somaliland.

Keating ayaa Bogga Twitter-kiisa kusoo qoray in uu la kulan gaar ah la qaatey Gollaha Wasiiradda cusub ee maamulka Somaliland kaasi uu shir gudoomiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin.

Waxyaabaha Keating iyo Xukuumadda Somaliland wadahadleen waxaa kamid ah caqabadaha taagan, amaanka, Abaaraha, Barakaca, shaqa abuurka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo mashaariicda horumarinta.

Madaxweyne Buuse Biixi [Bidix] oo soo dhaweynaya Michael Keating [Midig]

Keating ayaa sidoo kale la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo isna uu kala hadlay xiriirka iskaashiga Somaliland iyo QM, Doorashada Baarlamaaniga maamulkaasi 2019-ka, Gargaarka, amaanka gobolka.

Waxay booqashadan Keating kusoo beegantay xilli Xiisada colaadeed oo u dhaxaysay Puntland iyo Somaliland ay ka taagan tahay gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tukaraq oo 8dii bishan la wareegeen ciidamada maamulka Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM