Khilaaf ka dhashay xilka qaadis uu Muuse Biixi ku sameeyay mas'uul sare

Image

HARGEYSA, Somaliland - Khilaaf xooggan ayaa ka dhashay Digreeto kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xilkii looga qaadey gudoomiyaha gobolka Sool mudane Cabdi Khayre Dirir.

Wareegtadda oo ku taariikheysan 31-ka bisha July 2018 ayaa waxaa loogu magacaabay Cabdirashiid Xuseen Cabdille [Gargaar] inuu noqdo Gudoomiyaha cusub ee gobolka Sool u qaabilsan doona maamulka Muuse Biixi.

Madaxwayne Muuse Biixi ayaa wuxuu faray Gudoomiyihii hore ee gobolka Sool mudane Dirir inuu xilka ku wareejiyo si deg deg.

Laakiin, Mudane Dirir iyo Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Sool ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay gabi ahaanba kasoo horjeesteen xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha Somaliland, iyagoo sheegay in aysan u cutamayn.

Talaabaddaan waxay kusoo beegmaysaa iyadoo gobolka Sool ay ka taagan tahay xiisad colaadeed, taasoo udhaxeysa Puntland iyo Somaliland, kuwaasoo isku fara-saaray Labo jeer tuuladda Tukaraq ee isla gobolka.

Sidoo kale, ciidamadda difaaca Puntland ayaa howlgalo ay ka fuliyeen Magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaasoo ay ku beegsadeen Saldhigyadda Somaliland waxay kasoo furteen maxaabiis sharci daro ku xirnaa.

Gobolka Sool ayaa ah mid ay colaadaha ka jira wajiyo badan ay leedahay, inkasta mida udhaxeysa Puntland iyo Somaliland ay tahay mid soo jireen ah, islamarkaana soo jiitameysa tan iyo sanadkii 2002-dii.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaallo ay ku cadaadis ku saareyso Muuse Biixi iyo Cabdiwali Gaas inay miiska wadaxaajoodka ay isla yimaadaan si xal waara loogu helo colaaddaha gaarumay ee labadda maamul udhaxeysa.

Madaxweyne Gaas ayaa marar badan ku cel-celiyay in maamulkiisa uusan diyaar ua ahayn wadadahal, taasoo la rumeysan yahay inuu uga golleeyahay sidii uu ku dib dhigi lahaa doorashada Puntland ee 2019, si uu u helo fursad uu mudo korarsi ku sameysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM