Laascaanood: Somaliland oo lala xiriiriyey "dambiyo dagaal"

Image
Xarunta gobalka Sool ayaa wali xudun u ah dagaalo qaraar iyo duqeymo aan kala joogsi lahayn.

HARGEYSA, Somaliland - Magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa wali xudun u ah dagaalo qaraar waxaana maalmihii lasoo dhaafay kusoo biiray duqeymo aan kala sooc lahayn.

Duqeyn aan kala joogsi lahayn oo loo adeegsaday hubka culus ayay magaalada ku garaaceen ciidamada Somaliland, sidda ay sheegeen dadka degaanka iyo Isimadda gobolka SSC.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa yiri: "Iyada oo ay xilli hurdo tahay Somaliland waxay magaalada ku garaacaysaa madaafiic".

Waraysi uu siiyay Garowe Online ayuu ku eedeeyay in Somaliland ay Laascaanood ay ka gaysatay dembiyo dagaal isla markaana "ay u dhaqantay in aysan dadkaasi waxba ka harin"

Garaad Cabdikariim Cali Nuur oo isna kula hadlay warbaahinta Laascaanood ayaa yiri: "Xalay wuxuu ahaa habeenkii ugu darnaa ee duqeynta Somaliland ay magaalada ka gaysatay".

Sidoo kale, Garaad Cabdikariin Cali Nuur ayaa si wayn u duray culimadii dhawaan ka hadlay Hargeisa isaga oo yiri "Soomaali is nacde ee ilaahay ha is nicina".

Dhanka kale, ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinkan. Somaliland ayaan dhankeeda wali ka jawaabin eedeyntan. Xaalada magaaladda ayaa noqotey mid colaadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM