Labo Bilood kadib, Boqor Buur-madow oo xabsiga laga sii daayey

Image

HARGEYSA, Somaliland - Boqor Cismaan Aw Maxamuud [Buur-madow], ayaa waxaa laga sii daayey maanta oo Arbaco ah Xabsi ku yaala Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, kadib 60 cisho oo uu u xirnaa maamulka Muuse Biixi, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Buurmadow ayaa waxaa laga xiray 20-ka bishii Abriil ee sanadkaan Hoteel ku yaala bartamaha Hargeysa xili habeen ah, isagoona markii uu habeeno ku qaatay Saldhiga Booliska lasoo taagay Maxkamad, taasoo Saddex sano ku xukuntay.

Sida ay laga soo xigtay illo xog ogaal ah, sii dayntiisa maanta waxay ku timid kadib markii dadaalo kala duwan ay sameeyeen Odayaasha dhaqanka ee Somaliland, kuwaasoo cafis u weydiiyay Madaxweyne Muuse Biixi.

Inkasta oo si dhab ah loo shaacin inuu Madaxweynaha cafiyay, hadana Garowe Online, wuxuu fahansan yahay in sii dayntiisa ay kaalin fir-fircoon ka qaateen Odayaasha dhaqanka, iyo masuuliyiinta ay isku beesha yihiin.

Kolkii hore, Boqor Buur-madow ayaa sababta loo xiray, loona xukumay waxay ahayd inuu ku kacayo ficilo kasoo horjeeda jiritaanka Somaliland, sida laga soo xigtay nuqul kamid ah eedaynta xeer-beegtadda.

Sidoo kale, sababaha ugu wayn ee loo xukumay waxaa lagu sheegay inay tahay inuu ka qeybgalay caleema saarka Oday dhaqameed reer Puntland, taasoo ka dhacay deegaanka Carmo ee gobolka Bari horaantii sanadkan.

Hay'addaha Xuquul Insaanka u dooda ayaa Somaliland ku eedeeyay inay caburiso xuriyadda hadalka, kadib markii ay xabsiga dhigtay dad badan, oo Wariye-yaal, Abwaanno, Hal-abuurro iyo Fanaaniin soo bandhigay fekerkooda midnimada Soomaaliya.

Talaabadaan lagu soo daayey Boqor Cismaan Aw Maxamuud [Buur-madow], ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay shacabka qeybihiisa kala duwan ee ku dhaqan Somaliland, kuwaasoo ku baaqay in dadka kale ee lamidka ah lasoo daayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM