"Ma ogolaaneyno in Farmaajo nagu dul-ololeeyo, col baa naga dhaxeeya"

Image

HARGEYSA, Somaliland – Hogaamiyaha xisbiga UCID ee Somaliland ayaa ka aragti dhiibtay socdaal uu madaxweyne Farmaajo ku tago Hargeysa, caasimadda maamulkaas gooni u goosadka ah.

Faysal Cali Waraabe oo xaqiijiyey in Muuse Biixi Cabdi uu arrintaas mar sii horeysay uu u soo bandhigay ayaa yiri "maba ahayn in uu na dhex-keeno waxay ahayd in uu isaga difaaco".

Farmaajo ayuu sheegay "in aysan jirin wax uu kasoo doono Somaliland, in arrintaas lasoo hadal-qaado ay ku tahay deel-qaaf iyo wax aysan qaadan karin shacabka Somaliland".

"Arrintaas Muuse waxay noqoneysaa mid uu shacbiga Somaliland kula xisaabtamo hadii nala haweysanayo oo la leeyahay Farmaajo imaanayo," ayuu hadalkiisu raaciyey.

Xisbiyadda mucaaradka ayuu caddeeyay in aysan marnaba raali ka ahayn imaatinka hogaamiyaha Soomaaliya, isagoo carabka ku dhuftay in ay shir degdeg ah ka yeelan doonan arrintaas.

"Madaxweyne aan tagi karin Puntland ama Kismaayo maba jirto wax uu kasoo doono Hargeysa," ayuu u sheegay idaacadda VOA laanteeda Afka Soomaaliga.

Wuxuu intaas ku daray Faysal: "Ma ogolaaleyno in nagula dul-ololeeyo…Farmaajo waa cadowga Somaliland...anaga iyo Soomaaliya heshiis ma nihin col baa naga dhaxeysa".

"Waxaan sugeynaa doorashooyinka soo socda [ee Soomaaliya] si ay uga soo baxaan dad wanaagsan oo wax garad ah oo aan wada hadli karno," ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Sikastaba ha ahaatee, muran xoogan oo ka dhashay qorshaha socdaalka Farmaajo ee Hargeysa ayaa saacadihii lasoo dhaafay gilgilay Somaliland. Biixi ayaa la sheegay in uu hadli doono dhowaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM