Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Image
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

Hargaysa, Soomaaliya - Saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa maanta magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Rooble Muuse Cabdi.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka, iyadoo la eegayo khataraha soo food saartay Somaliland, oo ay ka mid yihiin khilaafyada dhinaca xuduudaha ee kala dhexeeya maamulka SSC-Khaatumo.

Saraakiishan Itoobiyaanka ah ayaa ka soo laabtay Magaalada Oog ee Gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland, iyadoo ay wararku sheegayaan in Somaliland ay saanad Milatari ka heshay Itoobiya.

Dhinaca kale, maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegay inay la socdaan dhaq-dhaqaaqyo ay Itoobiya ku doonayso inay ku hubayso maamulka Hargeysa, iyagoo uga digay inay isku dayaan inay weeraraan deegaannada SSC-Khaatumo.

Xoghayaha Wasaaradda Warfaafinta SSC-Khaatumo Daahir faarax ayaa yiri: “Waxaa la ilaalin doonaa xoogna la saari doonaa xudduudaha SSC-Khaatumo Sidii uu Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ballanqaaday".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM