Maamulka Somaliland oo soo saaray digniin ku aadan Vayrus dilaa ah

Image

HARGEYSA, Somaliland – Maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland ayaa soo saarey digniin ku aadan vayruska dilaaga ah ee ka dilaacay Shiinaha.

Wasaarada Caafimaadka ayaa Isniinta maanta ah war-saxaafadeed ku shaacisay in feejignaan dheeraad ah ay ka gashay caabuqaan khatarta badan leh.

Vayruskaan oo kasoo bilowday gobolka Wuhan ee China ayaa la xaqiijiyey in uu dilay in ka badan 50, isla markaana uu ku dhacay saddex kun kale.

"Cudurkan fiditaankiisa waxaa ka qeyb-qaata dadka safra, waxaana illaa iyo haatan sheegtay tobban waddan oo u badan qaarada Aasiya, hase ahaatee, Somaliland cid qabata wali inama soo gaarin," ayaa lagu yiri qoraalka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in saraakiisha socdaalka la faray in ay aad u xaqiijiyaan caafimaadka shaqsiyaadka ka imaanaya dalalka laga helay xanuunka.

Sikastaba, Somaliland ayaa kamid ah maamulada ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee xiriirka ganacsi uu kala dhaxeeyo dowladdaha Shiinaha.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM