Madaxweyne Muuse Biixi oo la kulmay Hailemariam [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Itoobiya - Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Addis Ababa, ee xarunta dalka Itoobiya.

Wafdig Muuse Biixi waxaa Garoonka Diyaaradaha Bole International Airport ku qaabiley Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Workneh Gebeyehu, waxaana loo galbiyay dhanka Madaxtooyada.

Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay Ra’iisal wasaare Hailemariam Desalegne, waxaana ay wadahadleen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen danaha ay wadaagaan iyo xoojinta xiriirka maamulka Somaliland kala dhaxeeya dowladda Itoobiya.

Waxyaabaha ay sidoo kale isla soo qaadeen waxaa kamid ahaa isu-socodka, ganacsiga iyo doorka horumarineed ee uu labada dhinac u yeelan doono jidka isku xira Berbera iyo Wajaale.

Dhinaca kal Ethiopia ayaa kala hadlaysa Biixi  qabsashada Tukaraq iyo in ciidamdiisa kala baxaan Tuulada Tukaraq.

Waa booqashadii ugu horeysay oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku tago dalka Itoobiya, tan iyo doorashadiisii 13-kii November, ee 2017-kii, isagoo xilka kala wareegay Axmed Siilaanyo.

Somaliland ayaa 15% dhaqaalaha kasoo gala Dekedda Berbera u qoondaysay dowladda Itoobiya, oo xiriir aad u xoogan kala dhaxeeya, iyadoo maamulkan oo sheegay inuu Soomaaliya ka go'ay 1991 mudo dheer raadinayo aqoonsi caalami ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM