Maxaa sabab u ah xariga Ciidamada Somaliland ee Cabdimaalik Coldoon?

Image
Laamaha amaanka ee magaalada Burco ayaana wali war ka soo saarin dhacdadan.

BURCO, Soomaaliya - Laamaha amaanka Somaliland ayaa markii labaad xabsiga dhigay Wariye Cabdimaalik Coldoon, xilli ilo wareediyo ay sheegeen in uu la kulmay tacdiyo kala duwan oo gaaraya Jir-dil.

Laamaha amaanka ee magaalada Burco ayaana wali war ka soo saarin dhacdadan oo dhalisay hadal badin, iyada oo dad badan ay u aaneeyeen xarrigan hadallo oo dhawaan ku dhawaaqay.

Cabdulmalik Caduun ayaa si kulul u dhaliilay heshiiska been abuurka ah ee maamulka Somaliland la galay dowladda Itoobiya isaga oo yiri:

"Aqoonsi hadii la helayo, iyo hadii aan lagu helaynba, heshiiska noocaas ahi waa danbi, waa gaf, waa halis, waa gumayn lagu gumaynayo dadkeena".

Somaliland waxa hadda ka socda dibadbax ballaaran oo lagu diidan yahay heshiiska qayb ka mid ah dhulka Soomaalida lagu siiyey Itoobiya, kaas oo ay dad badan oo Soomaaliyeed aaminsan yihiin inuu yahay heshiis beenaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM