Maxuu ka yiri Muuse Biixi Dabkii ka kacay degmada Wajaale?

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay dabkii xalay qabsaday suuqa ganacsiga ee magaalada Wajaale, kadib markii madaxtooyada ay soo saartay warsaxaafadeed ay kaga hadleeso dhacdadan.

Muuse Biixi ayaa ku sheegay bayaanka in uu ka xun yahay, isla markaana uu ka damqaday muwaadiniintii ku hanti beelay dabkan, isaga oo sidoo kale ka tacsiyadeeyey dadkii ku waxyeeloobay .

Waxaana uu oo kula dardaarmay eheladooda in ay samir iyo iimaan ka qaataan. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in loo diyaargaroobo soo kabasho degdeg ah.

Muuse Biixi ayaa bogaadiyay dedaalka ay ciidanka dab-demiska ugu jiraan ilaalinta hantida iyo daminta dabka. Sidoo kale waxa uu ku booriyay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dhacdooyinka soo noq noqday ee tan la mid ah.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Muwaadiniinta inay u hoggaansamaan talooyinka iyo hab-raacyada ay u soo jeediyeen Ciidanka Dab-demiska si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara dabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM