Mucaaradka Somaliland oo ka hadlay dib u dhaca doorashada [DAAWO]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xisbiyadda mucaaradka ah ee ka jira degaanadda Somaliland, ayaa ka fal-celiyay dib-u-dhaca markii Shanaad ku timid doorashooyinka Gollayaasha degaanka iyo Sharci-dejinta ee maamulkaan gooni isku taaga ah.

Guddiga doorashooyinka oo sharaxaad ka bixiyay sababta keentay dib-u-dhac waxay ku tilmameen inay tahay markii ay soo food-saartay caqabado siyaasadeed, mid dhaqaale iyo xisbiyadda oo aanan isku waafaqsaneen coddeynta.

Mas'uuliyiin siyaabo kala duwan ugu hadlay xisbiyadda WADDANI iyo UCID oo mucaarad ah, waxay si isku mid ah u dhaliileen dib-u-dhaca, inkastoo dhinacooda lagu eedeeyay inay kaalin ku leeyihiin baajinta.

Axsaabta ayaa si isku mid ah uga digay muddo kororsi aa sharci ahayn oo loo sameeyo Gollayaasha Baarlamaanka iyo degaanka, taasi oo ay carabka ku dhufteen inay keeni karto “cawaaqib aan la mahdin”.

Hadii ay dhacdo muddo kororsi waxay u noqoneysaa Aqalka Wakiiladda markii Shanaad, halka Gollayaasha degaanka ay u noqoneyso markii labaad tan iyo markii ay xafiiska yimaadeen.

Siyaasadda Somaliland ayaa haatan waxay u muuqataa mid aanan sal-fadhiya lahayn, oo ay ka jirto hubanti la’aan ku biyo shuban karta qalalaaso siyaasadeed, taasi oo uu ka digay inay dhacdo marar badan Madaxweyne Muuse Biixi.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA:

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM