Mucaaradka Somaliland oo ka hadlay dib u dhaca doorashada [DAAWO]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xisbiyadda mucaaradka ah ee ka jira degaanadda Somaliland, ayaa ka fal-celiyay dib-u-dhaca markii Shanaad ku timid doorashooyinka Gollayaasha degaanka iyo Sharci-dejinta ee maamulkaan gooni isku taaga ah.

Guddiga doorashooyinka oo sharaxaad ka bixiyay sababta keentay dib-u-dhac waxay ku tilmameen inay tahay markii ay soo food-saartay caqabado siyaasadeed, mid dhaqaale iyo xisbiyadda oo aanan isku waafaqsaneen coddeynta.

Mas'uuliyiin siyaabo kala duwan ugu hadlay xisbiyadda WADDANI iyo UCID oo mucaarad ah, waxay si isku mid ah u dhaliileen dib-u-dhaca, inkastoo dhinacooda lagu eedeeyay inay kaalin ku leeyihiin baajinta.

Axsaabta ayaa si isku mid ah uga digay muddo kororsi aa sharci ahayn oo loo sameeyo Gollayaasha Baarlamaanka iyo degaanka, taasi oo ay carabka ku dhufteen inay keeni karto “cawaaqib aan la mahdin”.

Hadii ay dhacdo muddo kororsi waxay u noqoneysaa Aqalka Wakiiladda markii Shanaad, halka Gollayaasha degaanka ay u noqoneyso markii labaad tan iyo markii ay xafiiska yimaadeen.

Siyaasadda Somaliland ayaa haatan waxay u muuqataa mid aanan sal-fadhiya lahayn, oo ay ka jirto hubanti la’aan ku biyo shuban karta qalalaaso siyaasadeed, taasi oo uu ka digay inay dhacdo marar badan Madaxweyne Muuse Biixi.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA:

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM