Musharax Faysal Cali Waraabe oo Ololohiisa geeyay Laascaanood

Image

LAASCAANOOD, Somaliland - Musharaxa Xisbiga UCID uguu tartamaya xilka Madaxweynaha Somaliland, Feysal Cali Waraabe, ayaa Ololohiisa doorashada ka sameeyay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Feysal oo ay wehliyaan xubno sare oo uu kamid yahay Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee UCID Pro Axmed Cabdi Muuse Abyan ayaa so dhawayn loogu sameeyay magaalada markii ay gaareen.

Murashax Faysal ayaa Fagaaraha khayriyada magaalada Laascaanood ka jeediyay khudbad, halkaasi oo ay isagu soo baxeen boqolaal qof, oo ay ku jireen Madax-dhaqameedka Gobolka Sool iyo mas'uuliyiin.

Xisbiga UCID ayaa rajo weyn ka qaba inuu sanadka uu heli doono codadka reer Sool, maadaama Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen uu ka soo jeedo Gobolka.

Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen Ee UCID Prof Axmed Cabdi Muuse Abyan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xisbiyada kale aanay keeni Karin is beddel, oo hore loo tijaaabiyay, isagoo uga digay shacabka inay ku kedsoomaan.

Sidoo kale Murashaxa Faysal ayaa soo bandhigay barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbiga UCID Somaliland ku hagayo, isagoo geeska kale sheegay in Xisbiyada kale ay hagar-daameynayaan midnimada Somaliland.

Magaalada Laascaanood waxaa sidan oo kale Olole uga sameeyay labadii maalmood ee ugu dambaysay Musharixiinta WADDANI iyo Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirre iyo Muuse Biixi, oo labaduba is eedeeyay. Halkan ka akhri.

Doorashada madaxtnimo ee Somaliland, oo noqonaysa tani midii 6-aad ayaa lagu wadaa inay dhacdo 13-ka bishan, oo ka harsan 8 maalmood, waxaana ku tartamaya UCID, Kulmiye, iyo WADDANI.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dib u eegaya heshiiskii Badda Muuse Biixi la galay Abiy Axmed

Dowladda Itoobiya ayaa hadda wadahadallo kula jirta dowladda Soomaaliya kadib heshiiskii Ankara, waxaana ay raadinaysaa marin badeed nabad ah.

  • Somaliland

    07-01-2025

  • 07:27AM

Fanaanka Qamar Suugaani oo jirdil loogu geystay magaalada Hargeysa

Muuqaalo laga duubay weerarkii Jimcihii ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, taasoo dhalisay caro.

  • Somaliland

    04-01-2025

  • 10:46AM