Muuse Biixi Cabdi oo sheegay inuu sameynayo “Somaliland Airline”

Image
Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkan ay kasoo xigatay Madaxtooyadda maamulka gooni-isku-taagga ah.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tegay Madaarka diyaaradaha ee Cigaal International Airport, Taliska Guud ee ciidanka Qaranka Somaliland iyo Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.

Ugu horayn, Biixi waxa uu kormeeray diyaarado cusub oo markii u horaysay uu yeelan doono maamulma Somaliland, kuwaas oo lagu tababari-doono farsamo-yaqaano iyo duuliyeyaal madani ah, muddo laba sanno ahna qaadan doona casharada la xiriira cillad bixinta iyo duulimaadyada diyaaradaha oo ay Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland u diyaarisay, si loo helo muwaadiniin aqoon dheeraada u leh arrimaha duulimaadyada, kana soo qalinjebiya Dugsiga Barashada Duulimaadyada (Civil Aviation Institute) oo ay dhigi doonaan macalimiin ajaanib ah oo aqoon u leh xirfadaas, maadaama Biixi uu qorshaynayo sidii looga midho dhalin lahaa hirgelinta iyo aas-aaska shirkada Diyaaraha ee Somaliland Airline mustaqbalka dhaw.

Sidoo kale, Biixi waxa uu kormeeray taawarka laga hago diyaaradaha kala duwan ee isticmaalaya hawada Somaliland, waxaanu madaxweynuhu warbiximo ka dhegeystay maareeye ku xigeenka Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, mudane Sharmaake Ismaaciil Idiris iyo hawl-wadeenada maddaalayaasha ah ee habeen iyo maalin ku hawlan shaqada qaranka ee dhinaca hawada, Iyagoo Madaxweynaha tusay shaqada ay hayaan baaxadeeda iyo sida ay u kala hagaan una kala badbaadiyaan diyaaradahaa, siyaana adeegyo badan oo ay u baahan yihiin, Iyadoo amaro qaldana laga siiyo Muqdisho balse ay diyaaruhu iska diidaan raacaana amarka saxda ah ee ay bixiyaan madaama la isticmaalayo hawada Somaliland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Somaliland waxa uu kormeeray Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland waxaana halkaa ku soo dhaweeyey taliyaha Ciidanka Qaranka, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiil kala duwan, halka Taliyaha Ciidanka Boolisa Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo hoggaanka dhismuhu ay ku soo dhaweyeen madaxweynaha Dhismayaal ka socda Taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xildhibaan Maxamed Abiib oo lagu xiray magaalada Hargeysa

Sababta rasmiga ah ee loo xiray Abiib ayaan la ogayn. Abiib ayaa si bareer ah u dhaliila maamulka Madaxweyne Muuse Biixi.

  • Somaliland

    02-09-2024

  • 04:37PM

Biixi: Xasan Sheekh waa nin naftiisa hafraya, ajnabi baa ilaaliya

Madaxweynaha Somaliland ayaa weerar afka ah ku qaadey hogaamiyaha Soomaaliya.

  • Somaliland

    26-08-2024

  • 03:08PM