Muuse Biixi: Marna Somaliland wadahadal lama galayso Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image

BURCO, Soomaaliya - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay dabeysha ka socota gobolka Geeska Africa iyo iskaashiga ay sameynayaan Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland aysan waxba ka khuseynin isbedelka iyo dib u heshiisiinta gobolka, waxaana uu shaaciyay in maamulkiisa uusan wadahadal la gali doonin dowladda Federaalka Soomaaliya, illaa ay ka helaan aqoonsi.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ujeediyay shacabka magaalada Burco, ayaa ugu baaqay mucaaradka Somaliland oo olale isaga ka dhan ah wada, inay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka Somaliland.

“Maalin walba ku noolaan kari maynno oday daalay oo suldaan ah, sheekh caalim ah, dawladdii iyo dadkii oo dhami inay noqdaan wax laga nixiyo. Wax gurmanaya oo la maqli waayo iyo wax is laynaya oo la kala qaban kari waayo, qabaa’ilkii iyo reerihiina dhibaatadaasaa inaga haysata,” ayuu yiri Muuse.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Madaxwayne Muuse Biixi ku booriyay xisbiyadda inay uxusul-duubtaan sidii loo xalin lahaa is-qabqabsiga siyaasadeed ee haatan jira, taasi oo uu xusay in xaalada sii cakirineyso.

“Dhammaanteenna waa inaynnu gacmaha isu qabsanaa inaynu ka hor tagno dagaalka qabaa’ilka ah ee aan waxba ku dhisnayn. Iskuulka aynnu doonayno, biyaha aynnu doonaynno, waddada aynnu doonayno iyo jaamacadda aynnu doonayno dhaqaalaheedii waxa uu ku baxay gurmad iyo kala qabtaay,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Geesta kale, Madaxwayne Muuse Biixi oo soo hadal-qaaday wadahadal dhex-mara Somaliland iyo Somaliland ayaa shuruud kaga dhigay in xukuumada Muqdisho ay marka hore joojiso wax uu ku tilmaamay “dhibaateynta maamulkiisa”.

Somaliland oo sheegata inay tahay dowlad madax banaan tan iyo 1991-dii ayaa ku hungowday inay hesho ictiraaf caalami ah, taasi oo ay haatan umuuqdaan xisbiyadda mucaaradka inay ku uur-kacsanayaa si maamulka hada jira u ridaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM