Muuse Biixi: Muqdisho waxaa laga ganacsadaa dhiiga dadka

Image
Madaxweynaha Somaliland ayaa tusaalahan soo qaatay isaga oo difaacaya dadka maamulkiisa kasoo raafay Laascaanood.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo difaacay dadka uu maamulkiisa kasoo raafay Laascaanood ayaa Muqdisho ku tilmaamay "meel laga ganacsado dhiiga dadka".

Biixi oo Axada maanta ah ka hadlay munaasabad ka dhacdey magaalada Hargeysa ayaa ku adkeystay "in aan qaadi waynay ammaanka, nolosha iyo dhaqaalaha dadkaas maadaama aan nahay dowlad yar".

Mas'uuliyiinta dowlada federaalka ah iyo kuwa Koonfur Galbeed ee cambaareeyay barakicinta qasabka ah ee dadkaas ayuu ku sifeeyay "kuwa gabay gudashadda waajibaadka ka saaran nolosha dadkooda".

Puntland oo kamid ah dowlada federaalka ayuu ku dhaliilay in ay sheegato soo dhaweynta dadkaas "ayada oo maalin qura magaalada Gaalkacyo dil toogasho ugu fulisay 20 nin oo dhalinyaro reer Koonfur Galbeed".

Qaramada Midoobay ayuu ku eedeeyay "laba wajiilanimo" maadaama hay'adda u qaabilsan xuquuqda qaxootiga ay kasoo horjeesatay musaafurintaas "iyada oo dooneysa in ay dhaqaale ku uruursato".

Dhanka kale, Biixi ayaa tibaaxay in "daliimkii digteetarka ahaa ee Afweyne dagaalkiisa Somaliland way u dhamayd". Dhawaqan wuxuu meesha kaga saarayay sheegashooyin lagu faafiyey baraha bulshadda.

"Dadka Somaliland maagaya ee doonaya inay taariikhda lumiyaan ee doonaya inaanay Soomaliland hore u socon oo ay iyadu murantaa had iyo goor waxay yidhaahdaan Beel dhexaa wax wadata, haddana guddoomiyaha maanta ee jimciyadda SOOYAAL ee 1987-kii lugtu go’day ma aha beesha dhexe ee waa nin reer Jig-jiga ah, dagaalkaasna Soomaaliyi way u dhammayd," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxa inala gudboon inaynu ku talogalno wixii dhacay kasoo kabashadooda iyo horumarka mustaqbalkeenna inaynu ku dhisno dhiigga shuhadada faraha badan ee taariikhda dheer leh ee dalkan usoo halgantay".

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale. Hase ahaatee, waxay dunida u aqoonsan tahay maamul looga arimiyo magaala madaxda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fanaanka Qamar Suugaani oo jirdil loogu geystay magaalada Hargeysa

Muuqaalo laga duubay weerarkii Jimcihii ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, taasoo dhalisay caro.

  • Somaliland

    04-01-2025

  • 10:46AM

Ciidamada Itoobiya oo xiray xadka maamulka Somaliland

Talaabadan ayaa timid kadib iska horimaad xooggan oo ka dhacay degmada Xarshin.

  • Somaliland

    25-12-2024

  • 08:51AM