Muuse Biixi oo cadaadis kala kulmay xariga Coldoon

Image
adaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Bixii Cabdi.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Bixii Cabdi, ayaa cadaadis xooggan kala kulmay xariga Coldoon oo xabsigii lagu hayay xalay lagala baxay, iyadoo aan ka ogeyn halka loo qaadey.

Hooyadiisa oo lagu magacaabo Faadumo Rooble ayaa Hargeysa ka dhex-raadinaysa wiilkeeda, waxayna ugu baaqdey Muuse inuu xoriyadiisa si deg-deg ah ugu soo celiyo.

Coldoon ayaa dhawaan la xiray kadib markii bartiisa Fabeook ku shaaciyay in diinta Kirishtaanka lagu faafiyo Jaamacadda Barawaaqo oo katirsan Iskuulka Abaarso, oo nin Mareykanka ah aas-aasay.

Xarigan ayaa kusoo aadaya iyadda oo maalmihii lasoo dhaafay uu soo waday dhaqdhaqaaq ka dhan ah xarunta dhaqanka Hargeysa iyo Dugsiga Abaarso oo uu ku eedeeyay in lagu faafinayo diinta Masiixiga.

Sidoo kale, xariga Coldoon oo Puntland ay horey degaanadeeda uga soo tarxiishay ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan uu bartiisa Facebook ku taageeray qabsashadda kooxda Taliban ee Afghahanistan.

Qoraaladiisa oo inta badan dhaliya dood culus ayaa sidoo kale wuxuu ku daraa nidaamka dimuqraadiga ah ee ka jira degaanada Soomaalida isaga oo ku baaqaya dhaqan-gelinta "shareecadda Islaamka".

Dhowr jeer ayaa horey loo xirey Coldoon laguna riday xukun maxkamadeed. Balse waxaa kalkii dambe lagu sii daayey cafis ay u fidiyeen mas'uuliyiinta Somaliland si gaar ah madaxwayne Biixi.

Markii u dambeysay ayaa Burco waxaa laga soo xiray 14-ka bishii 4aad sanadkii 2019. July 8-deeda ayaa waxaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah iyaddoo loo cuskanayo  "jabinta nidaamka u degan Somaliland".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM