Muuse Biixi oo dabciyay Mowqif horey uga qaatey Muqdisho kadib kulankii Abiy Axmed

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Addis Ababa ku tagey maanta magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, booqashadii ugu horeysay tan iyo markii la doortey Abiy Axmed April, 2018.

Muuse Biixi oo ay safarkiisa ku wehliyaan Wasiirro iyo Masu'uuliyiin maamulkiisa katirsan ayaa waxay kulan la qaateen Ra'iisul Wasaraha dowladda Itoobiya, Abiy Axmed oo ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo iskaashiga ka dhaxeeya.

Sidoo kale waxay Muuse Biixi iyo Abiy Axmed isla soo qaadeen isku socodka shacabka labada dhinac, bad-qabka muwaadiniinta u dhashay Itoobiya ee kunool Somaliland, amniga iyo nabadda, sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Abiy Axmed.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa bogaadiyay isbedellada uu wado Abiy Axmed ee ku aadan is-dhexgalka dalalka gobolka Geeska Africa, isagoo aqbalay baaqa Ra'iisul Wasaaraha ee ah in Somaliland ay sii wado xiririrka wadashaqeyn ee dowladda Soomaaliya.

War-saxafadeedka Xafiiska Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa loo adeegsaday erayga maamulka Somaliland, taasoo micnaheedu yahay in Itoobiya u aqoonsan tahay Somaliland gobol kamid ah Soomaaliya, inkastoo maamulka Hargeysa uu sheegay inay ka go'een 1991.

Dhanka kale, dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay hadalka Muuse Biixi ah inuu diyaar u yahay wadahadal inuu la galo Muqdisho, sidoo kalena soo celiyo wadashaqeyntii kala dhaxeysay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM