Sidee loo kala helay codadka Doorashada Somaliland?

Image

HARGEYSA, Somaliland - Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ku guuleystay Doorashadii Madaxweynaha Somaliland ee la qabtey 13-kii bishan November.

Gudiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in Muuse Biixi Cabdi uu yahay Madaxweynaha 5-aad ee Somaliland, kadib markii uu helay 55.19% codadkii ay dhiibteen 700,000 oo qof.

Muuse Biixi codadka uu helay guud ahaan waxay gaarayeen 305,909, oo u dhiganta 55.19%, halka Musharaxa Waddani Cabdiraxmaan Cirro uu helay 226, 690 cod oo u dhiganta 40.73%.

Feysal Cali Waraabe oo ah musharaxa u tartamay UCID ayaa helay 23,140 cod oo u dhiganta 4.17%.

Muuse Biixi ayaa noqonaya Madaxweynaha Somaliland shanta sano ee soo socota.

Cabdiraxmaan Cirro oo shalay qaadacay natiijada doorashada ayaan joojin maanta goobta Gudiga Doorashooyinka ugu dhawaaqayay natiijada codbixinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM