Sidee loo kala helay codadka Doorashada Somaliland?

Image

HARGEYSA, Somaliland - Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ku guuleystay Doorashadii Madaxweynaha Somaliland ee la qabtey 13-kii bishan November.

Gudiga Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in Muuse Biixi Cabdi uu yahay Madaxweynaha 5-aad ee Somaliland, kadib markii uu helay 55.19% codadkii ay dhiibteen 700,000 oo qof.

Muuse Biixi codadka uu helay guud ahaan waxay gaarayeen 305,909, oo u dhiganta 55.19%, halka Musharaxa Waddani Cabdiraxmaan Cirro uu helay 226, 690 cod oo u dhiganta 40.73%.

Feysal Cali Waraabe oo ah musharaxa u tartamay UCID ayaa helay 23,140 cod oo u dhiganta 4.17%.

Muuse Biixi ayaa noqonaya Madaxweynaha Somaliland shanta sano ee soo socota.

Cabdiraxmaan Cirro oo shalay qaadacay natiijada doorashada ayaan joojin maanta goobta Gudiga Doorashooyinka ugu dhawaaqayay natiijada codbixinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM