Muuse Biixi oo la kulmay Danjiraha Britain ee Soomaaliya

Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Hargaysa kula kulmay Danjiraha dowladda Britain u qaabilsan dalka Soomaaliya David Concar.

Sidoo kale kulankan labada mas'uul waxaa ku weheliyay madaxda xafiiska England ay ku leedahay Somaliland RosieTapper.

Kulankan oo yimid maalmo yar kadib markii Muuse Biixi ku guulaystay doorashadii dhacday 13 November, waxa uu salka ku hayay sidii loo sii amba qaadi lahaa xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo England.

Qoraal kooban oo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay, "Waxaan la kulmay Safiirka Somaliland iyo Somalia David Concer oo ay weheliso madaxa xafiiska Britain ee Hargaysa, RosieTapper, waxaana kawada hadalnay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa labada dal."

Faah faahin intaas ka baxsan kuma uusan darin qoraalkiisa Madaxweyne Biixi, balse arrintan ayaa qayb ka ah wada-hadalo iyo booqashooyin ay ugu imaanayaan madaxweynaha cusub wadama daneeya Somaliland.

Somaliland ayaa dhawaan dooratay Madaxweynihii Shanaad tan iyo markii maamulkaas uu ku dhawaaqay inuu ka go'ay Soomaaliya inteeda kale, waxaana ka hirgalay nidaamka axsaabta badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM