Muuse Biixi oo qaaday tallabo la mid ah Ra’iisul Wasaare Xamse

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo hadal qaaday xasuuqa ka socda Marinka Qasa, isaga oo ku biiray siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee cambaareeyay falalkaas.

Madaxweyne Biixi oo khudbad ka jeediyey xuska sannad-guurada 30-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Booliska Somaliland, waxa uu reer galbeedka ku eedeeyey inay gacan saar la leeyihiin Israa’iil, oo ay lug ku leeyihiin xasuuqii ay ka wadaan Qasa.

Biixi ayaa sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Ra’iisal-wasaaraha UK Sunak ay si cad u taageereen Israa’iil, isaga oo su’aal ka keenay caddaaladda iyo mabaadii’da ay wadamadaasi sheegaanayaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay meesha ka baxday xuquuqdii aadamaha ee ay u doodi jireen dalalka reer galbeedka, taas oo meesha ka saaraysa kalsoonidii lagu qabi lahaa sheegashadooda.

Sidoo kale waxa uu aad u amaanay Koonfur Afrika oo ah wadan aan Muslim ahayn oo sida uu hadalka u dhigay ka soo horjeestay xasuuqa Falastiiniyiinta, iyadoo dalal badan oo Carbeed ay ka aamuseen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM