Muuse Biixi oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Imaaraadka [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ABU DHABI, UAE - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey imaaraadka carabta ka dib marti-qaadkii rasmiga ahaa ee uu ka helay madaxda dalkaasi.

Muuse Biixi ayaa si ka duwan sidii horey loo qaabili jiray madaxdii isaga ka horeysay loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Al Bateen ee Abu Dhabi, isagoo loo fidiyay roogga gaduudan, waxaana calanka Somaliland la baal suray midka Imaaraadka.

Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo Mas'uuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka ayaa Muuse Biixi iyo wafdigiisa, oo wasiirro dhowr ah ku jiraan soo dhaweeyay, waxaana laga wadaa in berri ay la kulmana madax sare.

Madaxweynaha Somaliland, oo booqashadan u tahay midiisa labaad tan iyo doorashadiisii Nov. 2017 ayaa maalmaha soo socda guda gali-doonaan kulamaddii rasmiga ahaa ee ay la qaadanayeen mas'uuliyiinta sar sare ee dawladda Imaaraadka.

Maqaamkan lagu qaabiley Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka tarjumaya xiriirka wanaagsan ee Imaaraadka iyo Somaliland, oo ah maamul sheegtay inuu ka go'ay Soomaaliya, balse aan helin aqoonsi caalami ah tan iyo 1991.

Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka ayaa hadda mashruuc ballaarin iyo casriyeyn ka wada Dekadda Berbera, oo ah isha ugu weyn ee dhaqaalaha Somaliland.

Xiriirka Imaaraadka iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaanan wanaagsaneyn tan iyo sanadkii tagey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM