Muuse Biixi oo weerar dhanka ah ku qaadey Xasan Sheekh

Image
Hogaamiyaha Somaliland ayaa Madaxwaynaha Soomaaliya ku tilmaamay “nin naftiisa hafraya”.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland ayaa Madaxweyne Xassan Sheekh ku eedeeyay dilkii Cabdinaasir Dahable, oo ahaa shaqaale katirsanaa Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya oo kasoo jeeday dhinaca Gobolada Waqooyi.

“Beentii aduunka aad u sheegtay ee ahayd Argagixisaa dhameeyey waa la ogaaday Xasanow hub baa lagu siiyey iska celi argagixisada, anaga Argagixisada waa necebnahay, kuwa aan qabanaana Koonfur bay nooga yimadaan,” ayuu raaciyay.

Dhanka kale, Muuse Biixi ayaa difaacay Is afgaradkii uu la saxiixday Itoobiya. Dadka Somaliland ayuu xusay “in horumarkooda laga xun yahay oo waligood duulaan ay ku ahayd Koonfurta Soomaaliya”.

Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa raaciyay "Xassan Sheekh waxaan leeyahay labo kala daa calaacalka iyo wax aadan heli karin in aad raadiso, waxaad tahay Naftii hafar".

Hadaladan ayuu Madaxweyne Muuse Biixi ka sheegay magaalada Hargeysa shalay oo Arbaco ahayd waxaana uu caddeeyay in uu dhaqangal noqonayo Is-afgaradkii uu la gaaray Abiy Axmed ee Itoobiya lagu siinayay aaga Badda Saylac.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayuu ku eedeeyey in ay sameynayo ficilo bahalnimo oo ka dhan ah jiritaanka Somaliland, wuxuu sheegay in wajiga dhabta ah ee Soomaaliya u hayso dhinaca SL uu yahay ayuu yiri "Mid cadowtinimo aan walaalnimo jirin habayaraatee".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM