Muuse Biixi oo weerar dhanka ah ku qaadey Xasan Sheekh

Image
Hogaamiyaha Somaliland ayaa Madaxwaynaha Soomaaliya ku tilmaamay “nin naftiisa hafraya”.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland ayaa Madaxweyne Xassan Sheekh ku eedeeyay dilkii Cabdinaasir Dahable, oo ahaa shaqaale katirsanaa Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya oo kasoo jeeday dhinaca Gobolada Waqooyi.

“Beentii aduunka aad u sheegtay ee ahayd Argagixisaa dhameeyey waa la ogaaday Xasanow hub baa lagu siiyey iska celi argagixisada, anaga Argagixisada waa necebnahay, kuwa aan qabanaana Koonfur bay nooga yimadaan,” ayuu raaciyay.

Dhanka kale, Muuse Biixi ayaa difaacay Is afgaradkii uu la saxiixday Itoobiya. Dadka Somaliland ayuu xusay “in horumarkooda laga xun yahay oo waligood duulaan ay ku ahayd Koonfurta Soomaaliya”.

Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa raaciyay "Xassan Sheekh waxaan leeyahay labo kala daa calaacalka iyo wax aadan heli karin in aad raadiso, waxaad tahay Naftii hafar".

Hadaladan ayuu Madaxweyne Muuse Biixi ka sheegay magaalada Hargeysa shalay oo Arbaco ahayd waxaana uu caddeeyay in uu dhaqangal noqonayo Is-afgaradkii uu la gaaray Abiy Axmed ee Itoobiya lagu siinayay aaga Badda Saylac.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayuu ku eedeeyey in ay sameynayo ficilo bahalnimo oo ka dhan ah jiritaanka Somaliland, wuxuu sheegay in wajiga dhabta ah ee Soomaaliya u hayso dhinaca SL uu yahay ayuu yiri "Mid cadowtinimo aan walaalnimo jirin habayaraatee".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM