Korneyl Saciid Cawil Caare oo "wareejiyey" hubka iyo ciidamadda

Image

HARGEYSA, Somaliland – Korneyl Saciid Cawil Caare ayaa lagu waramayaa in maanta oo Khamiis ah uu wareejiyay hubka iyo ciidamadiisa kadib munaasabad ka dhacday buurta Daalo ee gobolka Sanaag.

Talaabadan ayaa timid markii "heshiis nabadeed" uu la galay Somaliland. Heshiiska waxaa fududeeyay Guddi dhex-dhexaadin oo ka kooban odoyaal dhaqameedyo ku heeb ah, sidda la sheegay.

Afar guuto oo ka kooban 900 askari iyo gaadiid ciidan ayaa waxaa lasoo warinayaa in uu ku wareejiyey guddiga dhex-dhexaadinta.

Muuqaalo laga soo duubay munaasabadda oo uu arkay Garowe Online ayaa muujinaya Caare oo xiran dareeska madax-dhaqameedyadda.

Wararka ayaa sheegaya in suurtogal ay tahay in Caare dibadda loo dhoofiyo isla markaana si furan u soo codsado cafis madaxweyne, taasna ay qayb ka tahay heshiiska.

Bishii May, 2018-kii ayay ahayd markii Caare uu ka goostay milatariga Somaliland kuna dhawaaqay Jabhadda Dulmi-diid, isagoo dagaalo kharaar la galay xoogaga maamulka Hargeysa.

Isagoo sharaxaya sababta uu u baxay ciidanka, Caare ayaa sheegay in uu qoonsaday cadaalo daran ka dhex-jirta Milatariga Somaliland, isagoo si gaar ah u duray Taliyaha ugu sareeya ciidanka.

Nuux Taani, taliyaha guud ee ciidanka Somaliland ayuu ku eedeeyay hurinta colaad beeleedyo iyo gacan-bidaxeynta saraakiisha.

Xaaladda uu abuuray Caare ayaa culeyska kusii kordhisay xukuumadda Biixi oo cadaadis uu ka saaran yahay qaboojinta dagaal beeleedyo iyo doorashooyinka, waana tan keentay in ay wada-hadalo la gurto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM