Saameynta dilkii Qaasim Suleymaani oo kasoo ifbaxday Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Saameynta dilkii Qaasim Suleymaani, oo ahaa taliyaha ciidamadda Quds ee ilaalada kacaanka Jamhuuriyada Iiraan, ayaa si muuqata looga dareemay Somaliland.

Wakaalada Dekadaha Somaliland, oo soo saartay qoraal nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, ayaa mamnuucday doonyaha ka yimaada Yemen ee kusoo xirta Berbera.

Berbera, waxaa garoon diyaaradeed ka hirgelinaya isla markaana joogitaan badan ku leh Imaaraadka Carabta oo xurguf ay kala dhaxeyso xukuumadda Tehran.

Sidda ku xusan warka qoraalka ah, talaabadan ayaa salka ku haysa cabsi laga qabo falaagada ay Iiraan taageerto ee Xuutiyiinta oo inta badan gacanta ku haya Yemen.

Suleymaani ayaa todobaadkii lagu khaarijiyey weerar dhanka cirka ah oo Mareykanka ka geystay agagaarka garoonka diyaaradaha Baqdaad, magaalo madaxda Ciraaq.

Iiraan oo ku adkeystay in ay qaadi doono talaabo aargudasho oo wax burburisa ayaa tibaaxday in ay beegsan doonto dal walba oo Mareykanku ku leeyahay saldhig ciidan.

Somaliland, oo ah maamul sheegta in uu ka madax banaan yahay Soomaaliya tan iyo 1991-dii balse aan heli aqoonsi caalami ah, ayaa xad la leh Yemen oo tobanaan sano colaado ka jiraan.

Qoraalka Somaliland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM