Saylici oo eedayn culus u jeediyay madaxda Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Saylici ayaa ku dhaliilay madaxda maamulkaan gooni isku taaga ah in aysan bixin canshuurta ay qaadaan hay'addaha ku shaqada leh.

Saylici ayaa farta ku fiiqay in mas'uuliyiinta aanan bixin canshuurta ay ku jiraan Wasiiro, Xilldhibaano, madaxda xilalka hoose haysa iyo waliba xubno ka tirsan Madaxtooyadda maamulka Hargeysa.

Balse, wuxuu meesha ka saarey nafsadiisa, isagoo afka ku balaariyay inuu bixiyo canshuurta, oo uu ku nuux-nuux saday inay kamid tahay waxyaabaha muhiim inuu sarre ukaco dhaqaalaha.

Saylici ayaa ku eedeeyay hay'addaha ku shaqadda leh qaadista canshuurta ay hareer maraan goobaha iyo guryaha ay degan yihiin madaxda, iyaga oo beegsada dadka danta yar, taasi oo uu cadaalo darro ku tilmaamay.

"Ciidamada qaadeysa canshuurta ma tagaan guryaha ay leeyihiin madaxda, kaliya waxay ka qaadaan kuwa danta yar, taasi oo noqoneysa cadaalo daro, aniga waan bixiyaa canshuurta," ayuu yiri Saylici.

Madaxwayne ku xigeenka maamulka Somaliland ayaa qiray in canshuurta laga qaado dadka danta yar aysan helin bedalkeeda, taasi oo uu ku adkeystay in loo baahan yahay in wax laga qabto.

Somaliland oo sheegatay inay Soomaaliya ka go'aday 1991-dii, balse ku guuldareystay inay hesho aqoonsi caalami ah 27-kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo beesha caalamka ula macaamilaan sida maamul kamid ah Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM