Shirkii Baydhabo oo lagu tilmaamay Shirqool ka dhan ah Somaliland [Dhageyso]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Siyaasiga Faysal Cali Waraabi, ahna Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, ayaa sheegay in shirkii Baydhabo uu ahaa Shirqool ka dhan ah maamulka Somaliland.

Faysal ayaa tilmaamay in qodobada kasoo baxay shirka, gaara ahaan midka ku saabsan in Puntland iyo Galmudug laga gacan siiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab inaysan sidaasi ahayn oo loola jeedo duulaan lala damacsan yahay Somaliland.

Gudoomiyaha UCID ayaa ku eedeeyay dowlada Federaalka ee uu hogaaminayo Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] inay hurinayso colaada ka dhaxeysa Somaliland iyo Puntland, ee ka taagan gobolka Sool, ee waqooyiga Soomaaliya.

"Colaada nagal dhaxeysa Puntland, waxaa abaabulaya maamulka Muqdisho, taasina waa caddeyn u ah shirkii ka dhacay Baydhabo gaar ahaan qodobkii sheegaya in hub la siiyo Puntland iyo Galmudug," ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

"Waxay sheegeen in hubka ay kula dagaalamayaan wax ay ugu yeereen argigixiso la siiyo Puntland, adeer meesha ma joogto argigixiso ee waa inay inaga nagula dagaalamaan," ayuu ku daray hadalkiisa.

"Shirkaas ka dhacay Baydhabo wuxuu nagu qas-bayaa inaan xooga saarno sidii aan udhisi lahayn ciidamadeena, maxaa yeelay Farmaajo wuxuu doonayaa inuu dib noogu celiyo xasuusii nasoo maray.

Geesta kale, Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay lacagta ay dowlada Federaalka ugu deeqday Somaliland ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo, isagoo sheegay inay umahad-celinayaan Xukuumadda Soomaaliya.

Laakiin, wuxuu ku dooday in lacagtu aysan ahayn mid ka timid dowlada Farmaajo, balse ay tahay mid lagu helay magaca guud ahaan Umadda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka kasoo yeeray Siyaasigan ayaa kusoo beegmayaa iyadoo xiisadda u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ay mareyso meel xasaasi ah, oo labada dhinac ay isku hub aruursanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM