Sidee ayey uga falceliyeen Mucaaradku go’aamada odeyaasha dhaqanka?

Image
SAWIR HORE

HARGEYSA, Soomaaliya - Guddiga Dhexdhaxaadinta Somaliland ayaa dhawaan soo saaray go’aamo lagu xalinayo khilaafkii siyaasadeed ee ka taagnaa Somaliland ee ku saabsanaa muddeynta doorashada madaxtooyada iyo ururada siyaasadeed.

Guddidu waxay go’aamisay in doorashada madaxtooyada iyo xisbiyada la isa saaro 13kii bisha November 2024, iyada oo ay saddexda xisbi siyaasadeed ee kala ah Kulmiye, UCID iyo Wadani ay ku tartami doonaan doorashada madaxtooyada.

Halka 10 urur siyaasadeed ay ka qayb qaadan doonaan doorashada xisbiyada oo ay ku jiraan saddexda xisbi ee hadda jira.

Guddigu waxa ay xuseen in loo baahan yahay in la dhameystiro dhamaan qabyooyinka sharci ee doorashooyinka, iyo in hay’adaha ay khusayso ay la shaqeeyaan Xubnaha ay magacaabi doonaan guddiga dhexdhexaadinta.

Soo jeedintan ayaa waxa si weyn u soo dhaweeyey mucaaridku, waxaana ka hadlay hogaamiyaha xisbiga waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo hogaamiyaha xisbiga UCID Faysal Waraabe.

C/raxmaan Cirro oo soo dhawaynaya go’aamadan ayaa yiri: “Waanu aqbalnay go’aamadii ay soo saareen guddida dhexdhexaadinta, waxaana waajib igu ah inaan aqba]lo wax kasta oo dani ugu jirto dadkayga.”

Cirro ayaa sheegay in tanaasulku uu yahay ficilka dadka bisil ee hogaamiyeyaasha ah, isagoo carabka ku adkeeyay in cid walba ay waajib ku tahay in la taageero go’aannada guddiga.

Faysal Waraabe ayaa isna dhankiisa yiri “Shacabka Somaliland waxaan ka rabaa inay soo dhaweeyaan go’aamada guddidaasi, iyo inaysan ka aamusin khaladaadka siyaasiyiinta”.

Waxaana xusid mudan inay ay jiraan dad ka falceliyay go’aanka odayaasha iyaga oo sheegay in aysan ahayn kuwo wax ku ool ah, isla markaana ay yihiin uun soo jeedin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dib u eegaya heshiiskii Badda Muuse Biixi la galay Abiy Axmed

Dowladda Itoobiya ayaa hadda wadahadallo kula jirta dowladda Soomaaliya kadib heshiiskii Ankara, waxaana ay raadinaysaa marin badeed nabad ah.

  • Somaliland

    07-01-2025

  • 07:27AM

Fanaanka Qamar Suugaani oo jirdil loogu geystay magaalada Hargeysa

Muuqaalo laga duubay weerarkii Jimcihii ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, taasoo dhalisay caro.

  • Somaliland

    04-01-2025

  • 10:46AM